Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Madaxweyne Siilaanyo Oo Markale Yiri: Shirka London Kama Qayb-galeyno

Sunday - March 31, 2013

Hargeysa -Xigasho Ramaas – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku celiyay inaan Somaliland aanay ka qayb-galaynin shirka Somaliya loogu qabanayo London, balse ay diyaar u tahay wada-hadalo loo siman yahay oo dhex mara dawladda Somaliya.

Madaxwayne Siilaanyo oo maanta ka qayb-galay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye, ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya yiri “Shirka London ee Ingiriisku Somaliya u qabanayo, waxaan jecelahay inaan ka bixiyo tilmaan cad iyo mowqifka xukuumadda ee ku waajahan wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya oo ah arin ka duwan shirka London, waa laba arimood oo aan is khusayn, mid walbana waxaanu ka taaganahay mowqif cad oo aan madmadow ku jirin, shirka London kama qayb-galayno oo waxaanu u araganaa in aanu na khusaynin oo aanay dani ugu jirin qaranka Somaliland”

Madaxwayne Siilaanyo waxa kale oo uu soo qaaday “Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, waa barnaamij socda oo ka soo bilaabmay shirkii London 12 bishii February 2012-kii, kaasi oo dunidu fagaare ka go’aamisay in Somaliland iyo Somaliya ay ka wada-hadlaan mustqabalkooda, intaa ka dibna waxa dhacay labadii Kulan ee (Chatum House iyo Dubai Agreemant), waxaanuna ku kala saxeexanay heshiisyo dhaxalgal ah, mana jiraan wax iska kayo badalay, diyaarna waanu u nahay in loo wada hadlo si siman, mana jirto cid nagu khasbaysa wax aan dani ugu jirin umaddayada xilku naga saaran yahay, waxaanuna wada tashi ka samaysay xisbiyada oo umadda matalaya, mana jirto cid makhaayadaha wax nooga yeerinaysa iyo wada tashi aanu kala yeelanayno ragga suuqa jooga” ayuu yiri waxaanu intaa ku daray “Qarankani waxa uu leeyahay cid matasha oo waa golayaasha Qaranka, waxaanu wada tashi kala samaynaa xisbiyada qaranka, markaa meel kasta iyo wakhti kasta, wada-hadal loo siman yahay oo dhex mara Somaliland iyo Somaliya diyaarbaa loo yahay”
Madaxwaynuhu waxa uu shacabka u diray dardaaran “Somaliland oo isku duuban oo meel u wada jeeda ayaynu wax ku noqonaynaa, waxaynu duruuf kasta kaga gudbi karnaa isku duubni iyo midnimo, waxaynu wada-hadalada kaga guulaysan karnaa inaga oo meel uga soo wada jeedsana, xisbiyadu waxay ku jiri karaan isku duubni iyo midnimo, qaranimada yeynaan ku qaybsamin”ayuu yiri.