Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
M/weynaha Fedaraalka Xasan Shiikh Oo Maanta Furay Shirweynaha Qaran Ee Dibu Habeynta Garsoorka So.
Monday - April 1, 2013
Mogadisho: Shirweynahan Qaran oo ay martigelinayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa iclaamiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo lagu casuumay Wakiillo ka socday Maamullada Gobollada Dalka,Gar-yaqaanno,Aqqoonyahanno iyo Culumaaudiin ka kala yimid Gudaha iyo Dibadda Dalka.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo jeediyay Khudbaddii Furitaanka Shirweynaha ayaa Sheegay in Shirkaani uu aasaas u yahay sidii Dadka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaan lahaayeen Garsoorka wadanka, maadaama ay cabasho badan horay uga keeneen Muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaasoo ay sabab u yihiin daruufaha uu xilligaan wadanka ku suganyahay.
Madaxweynaha ayaa xusay in Shirkaan uu sidoo kale qeyb ka yahay 15 Shirweyne Qaran oo ay Dowladdu dooneyso inay ku qabato gudaha dalka,isagoo intaasi ku daray in waxyaabaha laga soo saaro Shirkan ay Dowladdu ka goantahay diyaarna u tahay inay Dhaqangeliso maadaama ay soo saareen Wakiillo matalaya Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka goan in ay Dalka ka hirgeliso Garsoor Dhab ah oo qaabeysan iyo Siyaasad Deggan si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu dhiiradaan inaysan gorgortan ka gelin waxa ay xaq u leeyihiin una adeegsadaan Sharciga ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud.
Madaxweynaha oo Khudbaddiisa sii wata ayaa ka codsaday ka qeybgaleyaasha Shirweynaha inay booqdaan inta uu socdo Shirweynahan Goobaha ay ku shaqeeyaan hayadaha Garsoorka iyo caddaalladda u qaabilsan Soomaaliya gaar ahaan Maxkamadaha,Xabsiga Dhexe iyo Saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed si ay u helaan Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan.
Shirweynaha oo socon doona Ilaa 5-April ayaa waxaa qarashaadka ku baxaya bixinaysa Xukuumadda Soomaaliya iyadoo wax kaalmo ah ka heleynin Dowlado Shisheeye ama hayado caalami ah.
Sidoo kale Masuuliyiintii ka hadashay Furitaanka Shirweynaha oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka Ceydiid Ilkaxanaf,Wasiirka Garsoorka ,arrimaha Diinta iyo Awqaafta C/llaahi abyen Nuur,Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarzan iyo Wasiiru Dowlaha cadaaladda Puntland Yuusuf Axmed Kheyr ayaa uga Mahadceliyay Madaxweynaha Somalia Goaanka iyo Fikirka muhiimka ah uu qaatay ee ah in la qabto Shirweyne Heer Qaran ah oo looga arrinsanayo Dib u habeynta Garsoorka Somalia.
Sidoo kale waxaa Galabta madasha uu shirka ka socdo lagu soo bandhigay Taariikhda iyo Maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Garsoorka Soomaaliya,iyadoo masuuliyiintii ka hadashay ay kamid ahaayeen Sh. Bashiir Axmed Salad Guddoomiyaha Hayadda Culimada Soomaaliyeed iyo Prof.C/Wahaab oo kamid ah Xubnaha Guddiga Heerka Qaran ee Qabanqaabada Shirweynaha looga tashanayo Garsoorka.
Waa Shirweynihii ugu horreeyay oo ay qabato Dowladda Soomaaliya 22 Sano kadib oo uusan Garsoorka Soomaaliya u shaqeyn sidii loogu talagalay maadaama ay Hayadihii Garsoorka kamid noqdeen Hayadihii ka burburay qaranka Soomaaliyeed mudadii ay kala dambeyn laaantu ka jirtay wadanka
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story