Qaraxyo Kala Duwan Oo Mogdisho Ka Dhacay
Wednesday - April 3, 2013
Muqdisho (RH) Maalintii shaley iyo habeenimadii xaley, magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhacay dhowr qarax, waxaana meelaha ay qaraxyada ka dhaceen ka mid ah wasaaradda gaashandhigga dowladda Soomaaliya iyo xafiiska xawaaladda Dahabshiil ee ku yaalla suuqa Bakaaraha.
Xaley fiidkii ayaa qarax lala eegtay xarunta dhexe ee shirkadda Dahabshiil ee ku taalla suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaas la sheegay in uu ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda, halka burbur baahsan uu ka soo gaaray dhismaha afaafkeeda horre.
Waxaana qaraxaas laga maqlay meelaha ku dhow xarunta iyo xaafadaha ku yaalla suuqa bakaaraha, markii uu qaraxa dhacay waxaa soo gaaray goobta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano sameeyay.
Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil, ayaa BBC-da u sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay qof ka mid ah shaqalahooda isla markaana uu yer yahay khasaaraha soo gaaray dhismaha.
Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay qaraxa xaley fiidkii lagu weerraray mid ka mid ah xafiisyada Dahabshiil ay lee dahay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, waxaa isna shaley galab uu qarax nooca gacanta laga tuuro uu ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay 7-kalena waa ay ku dhaawacantay.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxa suuqa bakaaraha ayaa loola cararay isbitaalada magaalada ku yaalla, halkaas ayaana lagu daweynayaa, mana jirto cid loo soo qabtay qaraxaas.
Waxaa kaloo meelaha qaraxyada ay ka dhaceen magaalada Muqdisho ka mid ah wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya, waxaana halkaas ka dhacay ilaa labo qarax, kuwaasoo la sheegay in ay geesteen khasaaro, laakin ma jirto faah-faahin intaas dhaafsiisan.
Qaraxyadan ka dhacay magaalada ayaa ku soo beegmaya iyadoo ammaanka magaalada aad loo adkeeyay, waxaana magaalada maalintii seddaxaad ka socda shirka dib u-habayn loogu sameenaayo hey'addaha garsoorka dalka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho waxaa bilihii ugu dambeeyay ka jiray ammaan iyo xasilooni balllaaran, iyadoona ay dib ugu soo noqonayaan caasimada Muqdisho dad aad u badan oo ka yimid qurbaha.