Inaa Lilaahi Waa Inaa iLayhi Raajicuun Waxaa Geeriyootay Hooyadi Wanaaga Dadnimada Maryan X.Cilmi.
Thursday - April 4, 2013
Haddi gabowgu baaqsado geeri baan wax deynin .. noloshuna waa dhabo la wada ordaayo oo meel qura ah ku dhamaata .. Godka Iyo Xaabaashu geeridu waa xaq .. Naf waliba maalintii ajasheedu dhamaato ayaa xag allaah looga yeera, oo cid dunidaan ku hareysa ma jirto, waxaa maanta galabnimadi khamiista 4/april geeriyootay marxuumadi ummada u gudbin jirtay wanaaga dadnimada iyo xaqa masaakiinta .. Marxuumada Maryan Xaaji Cilmi oo ah hooyadi dhashay ilmo Xaaji Maxamed Maxamuud Cadaawe (Dhiisi-Garoowe) .. Hadaba Haddaan Nahay Bahada Goldogob Times waxaan Tacsi marka ugu horeysa aan hawada u marineynaa, Qoyska aan anagu ka mid nahay ee reer cadaawe, Qaraabadi iyo dhamaan eheladi ay marxuum Maryan Xaaji Cilmi ay ka baxday.
Aduunka waa goob shaqo oo Qof-kasta wixii u shaqeysto ayuu aakhiro marka u dhinto hor ilaahay ugu taga. gebi-ahaanteed alle kaliya ayaa xaq u leh cibaadada , mulkiyadana isaga leh ayadoon cid la wadaagin waxaan allaha weyn uga baryeynaa inu naxariistiisi jano fardoosa ka waraabiyo oo naxariista duugmada marka laga dareeraayo malagyada la soo diro, dibnaheeda tawxiid midi karta ee aan dariiqa ka lumin laga yeelo.
Marxuum Maryan Xaaji Cilmi oo ku dhimatay da' cimri 76 sano waxay dhashay 7 gabdhood iyo 4 wiil oo qaaradaha dunida ku kala nool kuwaaso iyagana dhinacooda tiro aan yareyn ka si farcameen .. marxuumada hooyo Maryan Xaaji Cilmi oo meydkeeda maalinta jimcaha beri la xabaali-doono waxaaa lagu aasaya Qabuuraha musllimiinta ee magalada Ottawa Ee Cariga Kanada .. mahad idilkeed waxay u sugnaatay allaha weyn ee keligi xaqa u leh amaanta wanaagsan .. hooyo Maryan inta badan waxaa lagu xasuusta nolosheedina lagu amaani jiray iney ahayd shakhsi dun wanaag leh si daacadnimo xilkasnimo leh u raacday dariiqi rasuulkeena Maxamed CSW,waxay ahayd halyey leh dulqaad iyo wanaag daacadnimo sheegatay oo si gaara waligeed ula duubneyd daryeelka iyo taakuleynta masaakiinta baahan..