Dhagar qabayaal Edab-daran Oo Dil U Geystay Korneyl Axmed Maxamed Gaafaco
Monday - April 8, 2013
Warar naga soo gaaray magaalada gaalkcyo ayaa sheegaya in shalay magaladaas si lama filaan ah lagu toogtay Korneyl Axmed maxamed Cabdi Loo yiqiin Gaafaco, dilkaas macna darada ah oo ay u geysteen laba nin oo la yiri waxay ku hubeysnaa-yeen Qoriga Ak loo yaqaan ayaa si indho-adkaana inta ula hor yimaaden maqyaad u hor fadhiyey xabado ku maansheeyey oo dabadeed halkaas korneylkii Alla ha u naxariiste ku qur baxay,isla markaana falkaas naar-quutayaashi geystay wey ka carareen goobti, inkasto daalimintaas dhuumashadooda u dhabarka si muuqday waa la baqo eryay lana raacdeystay haddana ma suragalin in la qabto.
Warka ayaa intaa raacinaya in illa hadda raga falkaas geystay lagu tuhunsan-yahay iney ahaayeen rag ka tirsan kooxda al-shabaab oo sida wax u dhaceen tilmaanta dhakharku waa koodii, waxaana beesha u korneylkaas ka soo jeedo ay durbaba magacaabeen rag guddi ah oo falkaas la qooshay si xeeleedeysan daba gal ku sameeya, waxayna eheladiisa carabka ku dhufteen inaan gefkaas iyo xumaantaas gacanta laga laaban-doonin
Gorgorka dabeyshaday Korneyl Axmed Gaafaco waxuu ka mid ahaa saraakiishi qaranka Somaaliyeed oo illa mudadi burburka Qaranka ku sugnaa arlada Puntland halkaaso Suuf iyo Xanjo isugu xiri jiray si u gacanta ugu dhigi-lahaa masiibooyika Miinooyinkii muddada dheer ku aasnaan jiray meelo badan oo ka mida gobolka ..Nin kale ma sheegan-karo guusha hawlgalkiisi miino-baarka oo u ku badbaadiyey dad iyo duunyo oo dhulkii si nabadgalyo xora iyo xarago loogu kala marsheeyey.