Axmed Madobe:Wax Walba Sidi Loogu Tala Galay Bey Ku Socdaan,Shir Baaqda Waa Sacabo Timo Ka So Baxeen
Wednesday - April 10, 2013
Kisimayo: Sida la soo xigtay qaabka iyo hab maamuuska lagu dooranaayo madaxweynaha Jubaland ayaa noqotay in ergada shirweynaha Kismaayo iyagu wax doortaan, dabadeed dood mucaarad iyo kuwa fikira taageerayba ugu dambeysti gudoon talo la wada ruugay ka dib waxaa la isku raacay in madaxweynaha ay doortaan ergada shirka loo soo xulay ee ka qayb galaya maamulka loogu samaynayo gobollada jubooyinka iyo Gedo
Xubnaha ergooyinka dooranaya madaxweynaha Jubaland oo maalmaha soo socda la filaya inay ka dhacdo Kismaayo ayaan lagu salayn hab qabiilooyin balse waxaa la isla gartay in lagu soo xulo hab degaan,waxaana ergooyinka guud ahaan iney noqdaan loo qoondeeyey shan boqol oo 45 ka mid ah ay yihiin haween.
Madaxa ku meel-gaarka maamulka jubaland Axmed Madoobe oo ka hadalay rajada shirka ayaa carabka ku dhuftay in qadar dhacaya la diideyn laakiin shirka usan marna dib u dhici-doonin oo ay soo dhaaftay sheeko iyo kiis isku waal mana la baal mari-doono sharciga iyo wixii is afgarad ergooyinka ay door bideen, waxuu kalo sheegay in ay jiraan xunguruufo badan oo wata hogag iyo hobaaqyo qarsoon oo dab wax guba iyo doolar la soo dul dhigay kisimaayo si dhismaha maamulkaas rafasho u galo, laakiin waxuu yiri ma jirto meel loo soo maraayo oo meel waliba sidi loogu tala galay ayey u dhaabantahay.