Feysal C.Waraabe Ee Ku Diiqoobay Naceybka Somaliya Oo Markaan Yiri Itobiya (K-5aad)Ha Nala Ka Xukumo
Thursday - April 11, 2013
Adis-ababa-Siyaasiga reer somaliland Feysal Cali Waraabe oo iminka ka tirsan xubnaha ergada somaliland ugu qayb galaysa shirka la rabo in lagu dhex dhexaadiyo Somaaliya iyo maamulka somaliland ku yeelandoonaan dalka Turkiga ayaa isagoo jooga caasimada itoobiya sheegay in waxa lagu wada hadlaayo ay yihiin oo kaliya sidi labada dhinac wax u wada qabsan-lahaayeen ee aysan ujeedadu ahayn midnimo ama in la isku darsado.
Mar la weydiiyey in Somaliland ay qorsheyneyso in laga xukumo Adis ababa iyo kilinka shanaad hasa ayaa Feysal Cali Waraabe isagoo hadalkaas ka jawaabaya waxuu yiri arintaas waa jirta meel wanaagsa ayeyna noo mareysa.
Arimaha kale ee u ka hadlay waxaa ka mida ah rajada kulanka ka dhacaya dalka Turkiga, sido kale waxuu ka hadlay muran waayahaan ka taagnaa Qunsul ay dawlada Turkiga ka furan lahayd Hargeysa oo loo diiday.