Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Wafdigi Somaliland oo Shirka Istanbuul Guul Ka Gaartay In Labada Dhinac U Wada Hadlaan Sidi Laba Dal

Friday - April 12, 2013

Istabuul: Madaxweynaha  Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka degay magaaladda Ankara ee Dalka Turkiga, halkaas oo uu beri kula kulmi doono Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ku sii jeeda Dalkaasi.
 
Sida la xiganaayo Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah Qalinka ugu duugi doona Heshiiska ay labadii guddi ee labada Dal ka kala socday ku gaareen Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga.
Guddida labada dhinac ee Istanbul ku sugan ayaa ku biiri doona goobta loogu talogay labada Madaxweyne inay ku kulmaan oo ah Ankara halka ay kaga sugnaayeen mudadii labada cisho ahayd ee wadahadaladu u socdeen magaaladda Istanbul.
.
Iyagoo ka faaideysanay karti xumada iyo waayo aragnimada xukumada Xasan shiikh ee hadda jirta ayaa Reer Somaaliland markale Guul ka gaartay in ay ku adkaysato in labada Dhinac u wada hadlaan laba Dal oo kala ah Somaliland iyo Somaliya sida ay dhigayaan qoddobadii lagu heshiiyay shirarkii horay ugu dhacay Ingiriiska,Turkiga iyo Dubai.
 
Qoddobada kale ee labada dhinac la yiri waa ku heshiiyeen waxa ka mid ah qoddobka ugu muhiimsan dhinaca Somaliland oo ahaa in Kaalmada Beesha Caalamku Somalida siinayso inay saamigeeda Dal ahaan ku hesho sida uu qiray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya oo ka qayb qaadanayay Doodii jimcaha ee BBC-du samaysay
.
Sidoo kale, qoddobada kale ee lagu heshiiyay waxa ka mid ah inay labada Dal ka wada shaqeeyaan Arrimaha Amniga, Budh-cad Badeeda iyo Ganacsiga kuwaas oo ay balanqaadeen in si wadajir ah ay uga wada shaqeeyaan.
Qoddobadan oo ay labada dhinac Qalinka ku duugi doonaan ka sakow waxa soo baxaya dareeno kale oo ku xeeran kulankooda, kuawaasoo ah in ay ka wadahadli doonaan sidii shirka Ingiriiska ay uga wada qayb qaadan lahaayeen.
 
Ilaa hada ma cada in Reer Somaliland ay ka noqon doonto go’aankeedii ay ku qaadacday shirka Ingiriiska ee 7 bisha May qabsoomaya ee ay wadajir u maamuli doonaan Somaliya iyo Ingiriisku, maadaama Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigiisu si wadajir ah ay mawqif adag uga istaageen shirkaasi oo aan laga talo gelin Ajandihiisa.
 
Sidoo kale waxaay Ilo wareedyo Dublamaasiyadeed oo soo baxayaa ay sheegayaan dawladda Ingiriiska gaar ahaan Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds guul daradii uu kala kulmay Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ee ah qaadacaada ka qayb galka shirkaas in uu u wareejiyay in Madaxweynaha Somaliya u Madaxweynaha Somaliland ku qanciyo shirkaasi inuu kala qayb galo iyadoo Dawladda Ingiriisku Madaxweynaha Somaliya ku qancisay in si siman labada Dal Somaliland iyo Somaliya shirkaasi uga wada qayb galaan maadaama qoddobada Shirkii Ingiriiska iyo kii Dubai-ba dhigayaan in laba Dawladood loo wadahadlo.
 
Dhinaca kale wararka ka imaanaya xildhibaanada baarlamaanka fedaraalka ee Somaaliya ayaa la sheegaya iney ka walwalsan-yihiin shirka looga qayb galaayo sidi laba dal oo qadiyad isku haya, waxayna xildhibanadaas tibaaxeen in baarlamaanka usan marna ogolaaneyn sheekada Somaliland iney tahay dal ka madaxbanaan Jamhuuriyada Somaaliya., waxayna yiraahdeen Somaliland qabaaiil kala duwan ayaa dega oo qabiil kasta waa in la eego waxa ay iyagu rabaan, waxayna isla markaa xildhibaanadu cambaareyeen aqoondarada iyo la tashi la'aanta haysa maamulka xasan Shiikh oo looga saad caleeyey shirka ka socda istanbuul iyo kuwi ka horeyba.