Shirkii Turkiga
Saturday - April 13, 2013
.
Ankar - Waxa saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Ankara ee daka Turkiga wadahadlii la sugayey ee dhexmarayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan maamulka la baxay Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo, waxaana ka soo baxaya kulanaasi hadda bilowday warar kala duwan.
Wararka madasha uu shirka ka socda ayaa waxay sheegayaan in labada Madaxweyne ay kulan toos ah isugu yimaadeen, isla markaasna hadda ay ka wadahadlayaan sidii arrinka aqoonsiga Somaliland meel la isaga dhigi lahaa, isla markaasna Somaliland loogu qancin lahaa inay wax la qeybsato Soomaalida inteeda kale.
Wararka qaar ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay isku mari layihiin in safaro ay ku kala bixiyaan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa iyo sidoo kale in shirka London loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho amaba magaalada Hargeysa midkood, waxaana la sheegay in dhinaca Somaliland ay arrinkaasi u cuntami ladahay.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxa kulanka ayaa sheegaya in labada hogaamiye ay isku soo dhawaanshiyo xoogaa ah oo aan sidaasi u buurneyn uu u dhaxeeyo, waxaana waxyaabaha ay isaga soo dhawaadeen ka mid ah in maamulka somaliland qeybtiisa la siiyo deeqaha ay hesho dowladda Soomaaliya iyo in la isku furo ganacsiga labada dhinac.
Waxa kale oo laga wada hadlay iskaashiga dhinaca nabad-gelyada iyo la sii wado wada xaajoodka labada geesood.