Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Warkii Ugu Dambeeyey Ee Wada Hadalka Turkiga Ka Socda Iyo Qodobada Labada Dhinac Ay Isku Mariwaayeen

Saturday - April 13, 2013

 Istanbuul-Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, ayaa warsaxaafadeed kooban oo ay xalay soo saartay, waxay ku sheegtay inay labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya ay yeelan-doonaan kulan lagu xalinayo khilaafaadka ka dhex jira Somaliland iyo Somaliya. Waxa kale oo ay wasaaradu sheegtay inay labada madaxweyne kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha Turkiga Cabdalle Guul, Raysal-wasaaraha Turkiga Tayyip Erdogon iyo masuuliyiin kale, waxaanay wasaaradu intaas raacisay in Turkigu sii wadi doono taageeradiisa sidii ay Somaliland iyo Somaliya khilaafkooda ugu xalin lahaayeen wada hadal. Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya ayaa la filayaa inay saaka wada jir ula quraacdaan Madaxweynaha Turkiga.
 
Waxa jira qodobo ay ergada labada dhinac ka kala socotay isku mari weyday oo u muuqda inay caqabad ku noqon karaan wada hadalada Turkiga. Tusaale ahaan;
- dawladda Somaliya ayaa soo bandhigtay dhawr qodob oo ay ka mid yihiin, in siyaasiyiinta Somaliland loo ogolaado inay u safraan Muqdisho,
- in shirarka lagu qabanayo gudaha Somaliya sida Garoowe ama Kismaayo lagu qabto Hargeysa oo ay Somaliland-na ogolaato.
- iyo in Somaliland ka qayb gasho shirka London,
Halka ay Somaliland la gole tagtay
- in Somaliland loo madaxbanaaneeyo mashaariicdeeda iyo khayraadkeeda
-, in mucaawinooyinka loo qaybsado si’ siman
- iyo in loo wada hadlo laba dhinac, qodobkan oo la sheegay inay Somaliland ku doonayso inay ka ansixiso dawladan, maadaama oo dawladii Sheekh Shariif ee hore u ogolaatay ay ahayd mid ku meelgaar ah.
 
Sida ay wararku sheegayaan dhinac waliba wuxuu diiday qodobada uu dhinaca kale soo jeediyay. Waxaana ilaa xalay saqdii dhexe lagu jiray isu soo dhawaynta labada wefti ee ka kala socda Somaliland iyo Somaliya. Hase yeeshe maadaama ay labada madaxweyne saaka wada jir ula quraacanayaan Madaxweynaha Turkiga, waxa muhiim ah in la soo saaro maanta war-murtiyeed la wada saxeexo qodobada uu doonaa ha ku jiraane.