Miinadi Gumaadka Lagu Gubay Mogdishow Oo Boston Gashay
Tuesday - April 16, 2013
Madaxweynaha wadanka mareykanka ayaa saacdo yar kadib markii laba qarax oo is xiga ay ku qarxeen magaalada Boston gaar ahaan meel ay ku socdeen Orodka maratoonka waxaa u madaxweynaha shacabka u sheegay isagoo kala hadlaaya muuqaalka -warbaahinta wadankaasi waxuu yiri reer Boston waxay waligood taariikhda ahaayeen geesiyaal meel fiican kaga jiray horumarka Ameerika.
Madaxweyne Obama ayaa carabka ku dhuftay in dambiilayaasha falkaas geystay la soo qaban-doono oo cadaalada la horgeen-doono, waxuuna sheegay inu amar ku siiyey Madaxa hayada dambi baarista FBI Robert Muellar in baarista iyo dabagalka dhagar qabayaashaas la xoojiyo lana hor keeno cadaalada.
Madaxweyne Obama Ayaa sheegay in illa hadda aysan jirin cid gaara oo la tuhmaayo, laakiin ilo ka soo dhex waramaya baarista socota ayaa tilmaamaya in FBI-da si is-dhafa ku gaala baxeyso degaanada qaarkood amase indhaha ku hayso dhallinyarada jaaliyadaha Carabta Iyo Somaalida, waxaase la yiri waaa dhici-karta in ummada aan kuwaas ahayn oo wax uun ka careysan ay falalkaas geysteen