Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Madaxweynaha Dalka iiraan Oo Ay Gabari Fagaare Hortiis Kaga Dalbtay Inu Guursado

Wednesday - April 17, 2013

Xigasho Ramaas -Wakaaladda wararka ee la yidhaa Mehr ee ka soo baxda Dalka Iiran ayaa qortay in Madaxweyne Axmedi-negad uu la kulamay dad ay ku jirtay Gabar isaga jecled. Haweynadan oo ku nool Gobalka Waqooyi ee Dalka iiraan ee la yiraah Semnan ayaa waxay mar kaliya ku tirii Madaxweynaha “ waan ku jeclahay ee I guurso”  balse waxay arin adag ku noqotay Madaxweynihii umunuu jawaabin.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka liran ee lagu magacaabo Mehr,  gabadhaasi waxay aheyd qof Islaana ah ama Qof weyn ah. Gabadhaas ayaa iyada oo kor u dhawaaqaysa waxay madaxweyne Axmedinejad ka codsatay inuu guursado oo waliba degiyo magaalada Tehran ee caasimadda dalkaas, waxaan marqudha arintaas ka fajacay dadkii shirkaas ku sugnaa.

 Markii ay hadalka dhamaysay ayaa dadkii ku sugnaa kulanku ay qosol u daateen gaar ahaan saxafiyiintii iyo duqaydii ama dadkii degaanku, hasa yeeshee Axmedinejad oo ay  Su’aashani ku noqotay  laf dhuun mariweydey, ayaa waayay jawaab uu ka bixiyo, waxaanu mar kaliya qarsoomay dhidid, ilaa heer uu ku sigtay inuu iska bixiyo dharka gaar ahaan Jaakeed uu xidhnaa.

Si kastaba ha ahaatee, Haweenaydan oo markii shirka laga soo baxay la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dab qabsaday gurigeedu, uu dilay oo ay ku geeriyoodeen ninkeedi iyo wiil ay dhashay, cid ay la noolaatana aanay haysan oo nolosheedu ciriiri ku jirto.