Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Cali Khalif Oo Si Cad B/lamanka Uga Hor Muujiyey Murugada ka Timid Shirki Turkiga Iyo Muuse Biixi Oo

Thursday - April 18, 2013

Muqdisho – Porf. Cali Khaliif Galleyr oo hore Soomaaliya uga ahaan jiray Ra’iisal Wasaare oo immikana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanaka Soomaaliya ayaa mar uu ka hor hadlaayay Baarlamaanka Soomaaliya dhaliilay heshiiskii maamulka Somaliland iyo Iyo Xukumada Federaalka Somalia 13-April, 2013 ku dhexmaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Porf. Cali Khalif Galeyr ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid loo dhigay sidii oo ay wada hadlayaan laba Dawladood oo siman.

Cali isga oo arintaas ka hadlaayana waxa uu yiri “ Waxaan u soo jeedinayaa mudanayasha Baarlamaanka iyo Guddoonka Baarlamaanka inay arrintan si miyir qabta u egaan waa arrin culus, waxaana muuqata in aqoonsigii 20-sano ka badan ay Somaliland caalamka ka raadineysay ay u soo wareegtay Xamar oo dowladeenu ay ictiraaftay” . Cali Khaliif Galleyr ayaa waxa uu Baarlamaanka ka codsaday in qodobada fadhiga soo socda lagu daro arrintan oo mooshin noqoto
Cali ayaa xusay in aritani ay khatar ku tahay midnimada Soomaaliya islamarkaana waxa uu sheegay in isaga iyo Koox kale oo Xildhibaano ahi ay Baarlamaanka hor keeni doonaan qodobo ku saabsan heshiiskaas iyo sida uu u dhacay.

Guddomiyaha Baarlamaanka Prof. Max’ed Cusmaan Jawaari oo ka jawaabayey soo jeedinta ka timid xildhibaan Galeyr ayaa sheegay in ajandayaasha Baarlamaanku ka doodayo aan lagu dari karin qodobkaasi loona baahan yahay qodobkaas in la soo waafajiyo qodobka 26-aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka, kaas oo dhigaya in qodobka kasta oo Baarlamaanka looga doodayo ay soo saxeexaan ugu yaraan 10 xildhibaan, ka dibna ay soo raaciyaan saxeexa taageerayaasha ajandahaasi, hasa ahaate waxaa wararku sheegayaan in markii dambe Cali Khalif u gudoomiyaha baarlamaanka u soo gudbiyey magacyo ay ku saxiixan-yihiin 46 xildhibaan oo taageereysa mooshin la rabo in looga hadlo heshiiskaas ka dhacay Ankara.

Dhinaca kale Muuse Biixi oo ah gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee somaliland ayaa dhiniciisa si Si Mug Leh Uga Sheekeeyay Doodii Madaxweyne Siilaanyo Kula Garnaqsaday Madaxweynaha Somaliya, waxuuna yiri:

Ugu horeyn “Shirkaasu waxa uu ahaa mid aad u adag qolada Turkigana waxaad moodaysay in aanay Somaliland waxii gaaray ee dhib hayd ee xasuuq ahayd ee dil hayd in aanay u warhayninba, markii shirkii la soo fadhiistay waxa shir gudoomiyay wasiirka arimaha dibada ee Turkiga, khudbad ayaanu akhriyay uu ku amaanayo midnimada isaga oo si diblamaasiyadaad u hadlaaya oo leh anigu idima qasbaayo waxaad doontaan ku heshiiya ama kala goosta ama midooba.”

Muuse Biixi, wuxuu intaas ku daray “Markii dambe waxa la yiri labada oday ha hadlaan ( Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ) waxaanu Xasan Sheekh yiri Siilaanyo ayaa iga weyn ee ha hadlo, madaxweyne Siilaanyana waxa uu yiri isagu ha hadlo.”

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isagoo si toos ah u gudo galaya weedhihii uu Madaxweyne Siilaanyo kulankaas ka jeediyay uu yiri “Dabadeedna Siilaanyo ayaa hadlay waxaanu nasiib wanaag helay fursad uu afartan sano daydayaayay inuu sheekadiisa taariikheed ee ay ta Somaliland isku maran yahiin uu ka sheekeeyo waxaanu ka bilaabay  “1955-kii ardaybaan ahaa bulshadu xoolo dhaqato ayay ahayd anagaa fikir u noqonay wax walbana u hurnay oo hawshii nagu dhacday, walaaladayo waanu u tagnay dulmiga intaas leeg ayaa nagaga dhacay oo xogagaal ayaan ahay siyaasiyiintii u horeeyay ayaan ahaa.”

Waxaanu ka waramay dhibaatooyinkii dhacay ilaa 50 kun oo qof oo dhintay intaa in ka badan oo dhaawacantay waxaanu soo qaatay diyaarada hadda Hargeysa saaran ee ina rushaysay, waxaanu yiri “ walaaladayo intaas oo dhan intay noo gaysteen haddana maalin ka may garaabin. Shantii Soomaaliyeed haddii la midaynaayo waadigaas arkaaya oo dawlado ayay yahiin oo Kiiniya, Itoobiya, Jabuuti, Somaliya iyo Somaliland waa ahlan wasahlan haddii islaamku imanaayo iyada oo dawlado la yahayna waxba ka ma qabno, laakiin waxaanu leenahay sida dadka kaleba xuquuqdooda u leeyahiin ayaanu u leenahay, waxii kale ee laysku raacaa waa aynu is dilno oo dagaalkeena iyo dhibaatadeenu ha badato, walaaltinimaduna waxay ku jirtaa maanta way inaga dhimatay midnimadii oo waxii dhacay waad ogtahiine inaad xaqiiqada waajahdaan weeye.”

Muuse Biixi, wuxuu ka hadlay dareenkii wasiirka arrimaha dibadda Turkiga iyo go’aankii uu ka qaatay hadalka Madaxweyne Silaanyo, waxaanu Mr. Biixi sheegay in wasiirka khaarajiga Turkigu balan qaaday inuu ka soo qayb geli doono xusaska ay Somaliland u samayso shuhaadadii ay dawladii Somaliya xasuuqday, waxaanu Muuse yidhi “Markaas nuxurka halkaas ka soo baxay waxa weeyaan ninka wasiirka arimaha dibada Turkiga, ahaa ayaa hadalkii markuu Siilaanyo dhigay qaatay waxaanu yidhi “ Aad ayaan uga xumahay waxii dhacay runtiina xog badan ayaa iga maqnayd” waxaanu yidhi “ meelo badan ayaan soo maray oo tan kale soo martay Falastiin,Boosniya iyo meelo kale oo wada hadlaaya mar haddii arintaas oo kale dhacdo waa in cagta loo dhigaa oo waxa ugu horaysa in la aqoonsado dilka iyo xasuuqa intaas leeg ee dhacay anigu waxaan diyaar u ahay inaan diyaarad halkan ka qaato oo maalinta aad xusaysaan dadkii la laayay aan idinkala qaybgalo si adduunka loogu bandhigo oo loo ictiraafo waxii dhacay Xasana ( Madaxweynaha Somaliya ) inuu sidaas yeelo ayaan kula talinayaa ayuu yidhi oo amar ayuu siiyay.”Waana markii ugu horaysay ee shir weyn lagaga hadlo waxii Somaliland ku dhacay.”

Gunaanadkii doodda labada Madaxweyne, wuxuu Muuse Biixi, ka yidhi “Ka bacdi waxa hadalkii qaatay madaxweynahaas Somaliya Xasan Sheekh waanu ka garaabay oo waxa uu yidhi “ Waa uu jiraa oo markhaati ayaan ka ahayn waxaas dhacay, waxaanu yidhi waxaan diyaar u ahay inaan qiro oo si cadaan ah looga cudur daaro xasuuqoodii oo dadka la yidhaadho waxaas ayaa idinku dhacay oo looga garaabo.”

Guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu ka hadlayaa gunaanadkii kulankaas, “Horta nuxurka ugu weyn ee ka soo baxay kaas ayuu ahaa. Markaas doodii waxay ku dhamaatay in Siilaanyana yidhi “ waar tani way dhimatay oo waxii aan laba dal ahayn waynu isku dilaynaaye,”  isaguna ( Madaxweynaha Somaliya )  intuu hadal wanaagsan akhriyay waxa uu ku soo gabo gabeeyay “ kala lulasho ayaa kala go’a dhaanta waanan ognahay waa laydin dulmiyay oo waanu idiinka garaabaynaa inaan imika sharciyad samayno oo aynu midawno ayaanu soo jeedinaynaa.” Taasina ma suurtoobayso ayaa lagu dhameeyay, sababta sagaashanka cisho dib loogu dhigayna mid halkaas ka soo baxday ayay ahayd.”

Aragtida dawladda Turkiga ee madashaas, ayuu Muuse ka hadlayaa, waxaanu yidhi  “Waxa uu Turkigu  si cad u yidhi “anagu waxaanu  diyaar u nahay waxii aad ku goosataan laba dawladood ama mid, idinka ayaa yaqaan midna riixi mayno, waxaanuse diyaar u nahay inaanu walaalahiin ahaano oo aanu gogasha idiin fidino oo aanu idin qaban-qaabino oo waxii aad u baahataan aanu idinku garab galno walaalahiin oo idiin heelan baanu nahay.” Waxaanu tusaale u Soo qaatay oo uu yidhi “ wiigii hore waxa yimi halkan xoghayaha arimaha dibada Maraykanka John Kerry   waxaana la kulmay aniga oo kaliyaata, laakiin maanta waxa halkan idiin jooga madaxweynahii,raysal wasaarahii iyo aniga waxaanan u arkaynaa in aad tihiin umad maanta u baahan in la taageero.”  markaas nuxurku sidaas ayuu ahaa Markii danbena odayaasha ayaa gaar gaar u arkay.”

Muuse Biixi, isagoo ugu dambayn ka hadlaya toddobadii qodob ee war-murtiyeedka, wuxuu yidhi “Todabadan waxa wasiirada loogu riixay arintii weynayd ayaa laysku mari waayay arinta mucdeeduna waxay ahayd waar niman yahaw laba dal oo walaalo ah oo is kaashada aynu ahaano taas oo iyaguna ka war wareegayaan oo ay kala lulasho ku wareegayaan.

Qodabadana waxa ka mid ah in Turkigu laba dawladood oo isku mid ha oo isku miisaan ah inoo qaabilaayo, waxii mucaawino ah ee aanu idin siinaynona mid walba si gaar ah ayaanu u siinaynaa.”