Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Xildhibaanadi Daarod Ee Ka Danqaday Heshiiski Turkiga Oo Shir Kula Qaatay Xasan Sh. Villa Wardhigley

Friday - April 19, 2013

Wararka laga soo xiganayo Villa Wardhiigley ayaa lagu tilmaamaya in Madaxweyne Hassan Shiikh oo ka walwalsan mustaqbalkiisa u si gaara ula kulmay xildhibaanada Daarood iyadoo ujeedadu ahayd inu xubnahaas baarlamaanka ka dhaadhiciyo mawqifkiisa ku aadan Qadiyada Somaliland oo isagu waa sida u sheegaye aaminsan-yahay midnimada iyo qaranimada Somali balse heshiisku ahaa in u la wada xaajoodo oo la abuuro jawi lagu wada hadli karo.

Hasa ahaate xubno ka mida xildhibaanadaas la kulmay ayaa si cad u naqdiyey qaabka iyo habka paratakool ee u kula dhaqmay wafdigi Amed siilaanyo oo u ekaa aqoonsi sidi laba dawladood oo wada hadlaaya,waxayna xildhibaanadaas hadaladoodi ku qeexeen in jidkii himilada midnimadi ummada soomaali ee tacabka faraha badan la soo galiyey ay iminka toobiya qaldan iyo jidkii boolida ay ku socoto, waxayna eeda dusha ka saareen hogaanka dalka loo doortay oo ka aradan siyaasadaha iyo waayaha taagan u ugu horeeyo madaxweyne Xasan Shiikh.

Prof Cali khaliif oo isna goobta hadal ka jeediyey ayaa yiri " Xasan nidaamka dawliga ah hadda baran maayo bacdamaa aad laba dal iyo laba dawladood comminique oggolaatay oo idnkoo laba Madaxweyne ah oo taagan iyo madaxdii Turkiga ay Wasiiradiinii saxiixeen waa cadaan inaad khiyaamo qaran oo bareer ah aad gashay oo beelaha degan Somaliland xaqirtay oo Qabiilka ISAAQ Wakiil uga dhigtay iyadoo aad ogsoontahay madaxweyne in Somaliland ay daganyihiin Shan beelood oo siman".