Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Madaxweyne Geelle Oo Adis Ababa Ku Dhex -Dhexaadinaaya Madaxda Somaaliya, Kenya Iyo Itoobiya

Saturday - April 20, 2013

Addis ababa: Sida Wararka Diplomaasiyeed sheegayaan waayahaan dambe iyo illa inti Xasan Shiikh u noqday madaweynaha somaliya waxaa si is daba jooga isu soo taraayey khilaafyo dabino la isu daadinaayo iyo xangaruufyo siyaasadeed oo u gudubtay in sadexda madax dal ee kenya, itoobiya iyo somaaliya ay waayahaan dambaba xiriirkooda hoos u dhacay oo indho Qodaxa la isku eegaayo.

Waxaa lagu soo waramaya in khilaafka itoobiya iyo Xasan Shiikh u markiisi horaba ka bilaabmay kadib marki Madaxweyne Xasan Shiikh oo Qaahira ku sugan la weydiiyey su'aal ku saabsan xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa itoobiya iyo somaaliya oo markaas u ku jawaabay oo yiri" Somaaliya iyo Itoobiya 600 sano ayaa colaad iyo dagaal ka dhex socday illa iyo haddana ma arkin mana maqlin meel ay ku heshiyeen" jawaabtaas oo marki ay maqleen masuullinta itoobiyaanka ay si xun uga caroodeen, isla markaa oo mar dambe ah ayaa dawlada Itoobiya Xasan Shiikh ka codsatay in u cambaareeyo dawlada Eretereya oo argagixisada taageerta siiba kuwa shabaabka, hasa ahaate madaxweyne Xasan Shiikh Codsigaas ma tixgalin mana ogolaan, taaso dabadeed sida la sheegay jawaab itoobiyaanka kaga bixiyeen in ciidamadoodi joogay Gobolka Bakool-Xudur ay kala baxaan oo dabadeed halkoodi soo galaan Al-shabaab waxayna itoobiyaanka mar kale ku goodiyeen iney Baydhabana ay ciidamadooda kala bixi-doonaan laakiin taas waxaa ka hor joogsatay dawlada mareykanka oo kharajka miisaaniyeed ku dheelli-tirta askarta halkaas joogta.

Dhinaca kale wadanka Kenya ayaa askartooda ku sugan-yihiin gudaha Somaliya gaar ahaan gobolka jubada hoose oo hadda wadaanti lagu tuuray ceelki biyaha lagu dhisi-lahaa maamul goboleed loogu magac daray Jubaland oo ay hiil iyo hooba ku taagersantahay dawlada Kenya, laakiinse madaxweyne Xasan Shiikh si bareera aan biyo is marin u diiday sameynta maamulkaas.

Xalinta Khilaafkaan madaxeed oo beryahaan loo La'aa cid istaarta ayaa Madaxweynaha Jabuuti oo dadaal garwadeen ka ah kulanka madaxdaas ayaa xogaha laga helayo sheegayaan inuu ku dhexdhexadinayo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Kenya iyo Ra’isal wasaaraha Ethiopia sidi ay afgarad iyo isu soo dhaweyn uga dhex abuuri-lahaa laakiin sida la xusaayo ma muuqato rajo heshiis oo ka muuqata ma daama aragtida la kala haysto ay kala fog-yihiin

Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa la filayaa inuu diirada saaro sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Uhuru Kenyata oo dhowaan la doortey, Ra’isal wasaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha DFS kuwaasoo aan ku faraxsaneyn siyaasada Xasan Shiikh ee ku wajahan wadamada dariska la ah Somalia kuwaasoo qayb libaax ka qaatey dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab