Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Ninki Wax Ka Sameeyey Filimki Lagu Caayey M.CSW Oo Inta Is Haynwaayey Ku Kor Ooyey Qabrigi Nabi M...

Sunday - April 21, 2013

Sacuudiga- Madiina: Arnold Fandor Oo ka mid ahaa ragii abeesooyinka duubnaa ee ugu cadcada fir-soca dalkaas Holand isla markaana ka mid ahaa shakhsiyaadki wax ka abaabulay filimkii colaada iyo fitnada ee lagu caayey Nabi Maxamed CSW ayaa kadib markii ooftiisa nuur ka dilaacday iyadoon cidna khasbin kheyrkii la waafajiyey maskaxdiisa u daarantay xaqiiqada ka jirta diinta islaamka lana taabsiiyey aayaatka mucjisooyinka awooda Alle, ayaa la sheegay inu socdaal ku tagay dalka Sacuudiga gaar ahaan xarunti waxyiga iyo Masjidka Nabawiga ee Madiina, kadibna marku kor tagay qabrigi xabiib Maxamed CSW, waxaa la sheegay inu halkaas jirkiisi ku dubaaxiyey dabadeedna isagoo is hayn-waayey si tiiraanyo iyo dibin ruug leh u ooyey oo ilmadu si muuqaal uga gobo tiri waxuuna carabka ku dhuftay in murugada oohintiisa ay ka tarjimeyso waqti murugo iyo culeys badani saarnaa naftiisa oo adkeysan weyday buu ku jiray .. isma lahayn sahal baad uga bixi-doonta murugada aad ku jirto, waxaase nasiib wanaag mar qura badalay xaaladi aan ku jiray xaqiiqo aan weligey dafiri-jiray ayuu hadalkiis ku yiri .. waxaan ka xumahay ayuu yiri waxa reer galbeedka ay isaga dhagooleeyeen aqoonta gunta cilmiga Quraanka horseedka u ah nolosha bani-aadamka iyo dhallanteedka beenta hafarka ah ee laga sawiray diinta xaqa ah iyo sida uu isagu shakhsi ahaan ahaa calooshi la ciyaar oo u dhadhamo yar u dhaafasaday noloshii runta ahayd.

Mr. Arnold Fandor ayaa waqtigaas u joogay masjidka la kulmay Imaamka masjid Nabawiga fadiilat al-digtoor Shiikh Salaax Al-badiir iyo al-waacid Shiikh Cali Al-Xudeyfi waxayna halkaas muddo waqti kooban ah wacdi iyo waano aqoon sareysa ku qotama la isaga haqab tiray, lana isugu sharxay baxnaaninta iimaanka iyo gaar ahaan silsilada taariikheed islaamku leeyahay ee dhagta ka fac dheer iyo waliba deyfkaas oo la tusay hindisaha dhismaha mashruuca lagu ballaarinaayo Masjidkaas. 

Sida la xusay mr.Arnold Fandor waxuu booqashadiisa sii mari-doonaa halka loo cimro tago ee Beytka Xaramka Maka al-Mukarama oo u maalmaha u joogo halkaas u gudan-doono Cimrada kadibna u si duuli-doono xagaa iyo magalada Riyad si ula kulmo mdaxda sacuudiga oo soo dhaweyntiisa martiqaad maalmahaanba ku mashquulsaneyd.