Marwo Aamino M.Jibriil Oo Isir Ahaan Ka Soo Jeeda Somali Oo Loo Magacaabay Jagada W.A.Dibada Kenya
Tuesday - April 23, 2013
Nairobi-War deg dega oo aan xiganay gor dhaweyd ayaa sheegaya in xaflad si toosa iminka uga agaasiman aqalka State houska Nairobi u madaxweyne Uhuru Kenyaata uga dhawaaqay in marwo Aamino Maxamed Jibriil uu u magacaabay wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya.
Madaxwynaha ayaa hadalkiisi ku sheegay in aamino Maxamed tahay qofka ugu aqoonta badan dalkaan uguna haboon iney mataalada wanaagsan ka bixin-karto siyaasada dalkaan kenya.
Warka ayaa intaa ku daraya in guud ahaan isirka somaaliyeed ee ka mida mawaadiniita Kenya iyo gaar ahaan jaaliyada ku dhaqan degaanka isli ayaa si farxad leh u soo dhaweeyey go'aankaas taariikhiga ah oo u qaatay Madaxweyne Uhuuro Kenyaata.
Marwo aamino waxay ka mid tahay dadka ugu caansan carigaas kenya xaga aqoonta iyo hawlaha siyaasada, waxaana la sheegay iney asal ahaan qoyskeeda ka soo jeedaan degaanka khaatumo