Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Dawlada Ingiriiska Oo Maanta Si Rasmi Ah Dib Ugu Furatay Safaaradii Ay Ku Lahayd Magalada Mogadisho

Thursday - April 25, 2013

Mogadisho: Xaflad ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho oo uu goob joog ka ahaa xoghayaha arrimaha dibedda ee Biritan William Hague iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga dhawaaqay in Britain ay noqotay dalkii ugu horreyay ee Yurub ka socda oo safaarad ka furta Muqdisho.
 
Waxaa kaloo ka qaybgalay munaasabada ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada oo ay ka mid tahay Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay dhismaha cusub ee safaaradda, xoghayaha arrimaha dibadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in 22 sano kaddib uu maanta dib u howlgeliyay safaaradda Britian ee Soomaaliya.

Hague ayaa sheegay in xiriirka UK iyo Soomaaliya uu sii xoogeysanayo, isagoo intaas raaciyay in dowladda UK ay ka go’an tahay la shaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya.

Safaaradda cusub ayaa dhismaheedu wuxuu ka socdaa dhul madaxweyne Xasan Sheekh uu dabayaaqadii 2012 siiyay dowladda Britain.

Safaaraddii hore ee Britain ee Muqdisho oo ku taallay naxaawiga dekedda ayaa la xiray January 1991, dhismaheeduna haatan waa mid burbursan.

William Hague ayaa maanta furay xafiiska qabanaya howlaha ugu muhiimsan ee saafaradda oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle. Danjiraha Britian u fadhiya Soomaaliya Matt Baugh iyo shaqaalihiisa ayaa lagu wadaa inay ka howlgalaan xafiiska cusub tan iyo inta dhismaha safaaradda la soo dhammeestiraayo.

Dhismaha safaaradda ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo dabayaaqada July.

Furitaanka safaaraddan ayaa imanaya iyadoo Britain ay bilowga bisha soo socda London ku qabanayso shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Somalia, shirkaasi oo ay si wadajir ah u shir-guddoomin doonaan dowladdaha Britain iyo Soomaaliya.

Shirka ayaa looga gol leeyahay sidii taageero caalami loogu raadin lahaa howlaha mudnaanta u leh dowladda federaalka.