Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Xisbiga Akhwaan Musllimiinta Somaliya " islaax-dam jadiid" oo Ku Biiray Hogaanka Khaliif

Thursday - April 25, 2013

War dhawaan laga soo xigtay illo kala duwan oo xogaal ah ayaa daboolka ka qaaday in ninka dharagta la barurufleeya ee ka arrimya dawlada dalkaas Qadar shiikh Xamad Al-tani uu waayahan dambaba si xariifnimo ah diirada u saaray sidu uga manaafacsan-lahaa xiliga Tiiha iyo waqti-colaadeedka bulshada shucuubta carabta la ciir-ciireyso iyo kacdoomada kharaar habaaska duulinaaya ee ka socda dalalka carabta oo halkaas nishaabtanka shiikha Qadar iyo ujeedada mustaqbalkiisu yahay Nin la aaminay loona caleemo saaro Taajka Kaliifatul-Musllimiin, dabadeedna lagu sanduleysmo Eedaankiisa Allahu Akbarta iyo madaahibta diineed u amiirkaas dajiyo, wixii awaamirtiisa ka hor yimaadana ay noqoto wax shareecadu shuuftay.

Shiikh Xamad oo daah ka dhiganaaya fikirki al-ustaad Xasan Al-banaa ee mideynaayey Akhwaanka Caalamiga ayaa sidi mashruuciisa ugu hirgali-lahaa yoolkiisa ka dhigtay raacdeyn, sasabasho ,shukaamin iyo sidi u gacanta ugu dhigi-lahaa dhamaan xarkaadka dhaqdhaqaaq ee Akhawaan Musllimiinta ka jira dalalka Carabta oo weliba si daabkiisa ugu jiro koox kasta u tolay haruubo iyo haamo Geni iyo doolar gooniya isla markaana dibina hoos dhigay ay isaga soo digaan " warning Agent"

Shiikh Xamad oo caan ku ah shisheeye la qooqa tunkiisana daawaday kuma ekaan qorshahiisa inu hogaamiyaasha akhwaan Musllimiinta carabta laaluush awgeed muruqoodi iyo garaadba ka marooqsado oo taladoodi isaga hoos yimaadaan balse dhinaca kale waxuu malaayiin doolar ku kireystay shirkado mihindiisa suuq geynta afkaartiisa siyaasadeed ee ku saleysan inu isagu yahay madaxa hogaaminaya dagaalka kacdoon ee lagula jiro dikteetarada Carabta, waxuuna hawshaas si gaara ugu iijaartay Ninka la yiraahdo mr. Moris Amigo oo macaamilka la leh shirkada la yiraahdo Hardan Global ee ku takhsusan suuq geynta iyo hawlaha la talinta, shirkadaasna waxay si toosa xiriir wada shaqeyn la leedahay sirdoonadka caalamka sida CIA, M15 M16 iyo Muusaadka.

Dhinaca kale sida la wada ogsoonyahay madaxweyne Xasan Shiikh si lama filaan ku ahayd shacabka Somaaliyeed ayuu doorashadi madaxtinimada ugu soo booday, doorashadaaso la isula yimid xarig ay qoloba gees ka soo gunaday isla markaana nin waliba sidi u banaaneyd wax ku raadsaday ayaa halkaas xasan wax loodiya la waayey, laakiin dadku kala dareen badan kana il dheere markiiba rag baa ka yaabay deg dega iyo qaabka u wax ka helay Xasan Shiikh, waxayna Oodoraskoodu ahaa in meesha ay soo gashay mashruuci Qadar oo doorashadi lacag lagu fasahaadiyey

shiyuukhdi Kuweyt taaso ay la xariirinayeen Faarax Cabduqaadir Oo Reer Kuweyt ahaa isla markaana sama faladiisa ay ku xirnaayeen Ururo ka jir u lalahha kuweynt ay keentay iney maal galiyaan doorashada Xasan Shiikh  

Shiikh Xamad Al-Tani ee dawlada hadda ka jirta somaalya oo u madaxa ka yahay madaxweyne Xasan Shiikh Iyo Shiyuukhda Qadar waxaa ka jira heshiisyo aan shacabka somaali soo gaarin