Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Allaha U Naxariiste Abwaan C/laahi A." Dhoodaan" Ayaa Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Harar-Itobiya

Friday - April 26, 2013

Abwaan Cabdullaahi Axmed Dhoodaan Oo maanta Ku Geeriyooday Magaalada Harar Iyo carigaa Itoobiya waxa uu ka mid ahaa hal abuurka Soomaaliyeed ee caanka ku ah curinta suugaanta, khaasatan waxaa uu abwaanku kaalinta hore kaga jiray abwaanada Soomaaliyeed ee ka gabyey dhan walba oo nolosha ah.

Bahda jecel suugaanta Soomaalida ayaa waxa ay Abwaan Cabdullaahi Dhoodaan ku xasuustaan “Gabay Jacburka” oo ahaa suugaan uu kaga soocnaa abwaaniinta kale, bulshaduna ay aad ugu jecleyd.

Abwaanka waxuu ku soo caan baxay xiliyadi dagaaladi dhex maray Somaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan dagaaladi loo bixiyey 77 oo micnuhu ahaa waqtigi dagaalka u bilaabmay 07/07/1977 .. Dhoodaan waxuuna caan ku ahaa curinta gabayada iyo jacburka wadaniga iyo maadeyska isugu jira .. Abwaanku waxuu ku dhashay magaalada Wardheer isagoo illa iyo yaraantiisi ku soo jiray dhinaca Fanka.