Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Madaxweynaha Dalka Somaliya Oo Gaaray Garowe Ee Maamulka Puntland

Sunday - April 28, 2013

Madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud  ayaa Si weyn loogu soo dhaweyey Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland, Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweyey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ,ku-xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ,xildhibaano ,taliyaasha ciidamada kala duwan ,aqoonyahano ,culimo ,dhalinyaro iyo ururada haweenka kuwaasi ayaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweyey Madaxweynaha.

Xarunta madaxtooyada Puntland ayaa wafdiga uu horkacayay madaxwayanaha dowlada Somaliya loo galbiyey si ay kulamo ugu qaatan.

Madaxwaynaha puntland Cabdiraxmaan Shiikh maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaanshaha madaxwaynaha Somaliya ee Garoowe .

” Somalia waxa la iskugu soo celin karaa oo keliya waa Nidaamka Federaalka oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay” Ayuu yiri Farole oo sheegey in la tashiyo iyo shirar ka yeelan doonaan dhamaystirka dhismaha Somalia.

” Wax badan ayaa ka dhiman hirgelinta nidaamka Federaalka ah ,wadadu waa mid qodxo iyo dhaqxaani taalo ,waxana looga gudbi karaa iskaashi ,kalsooni iyo isku samir” ayuu yiri Xasan Shiikh oo ka hadlayay sida dowladiisu ay u dhaqan gelineyso nidaamka Federaalka Somalia.

” Dalkaani waa mid ,war ma kaal go’naa iyo ma kala tagnaa maanta ma taagna laakiin sidee dadkii iyo dalkii shalay meeshay joogeen iskugu soo celinaa ayaa noo taal inaa ka shaqeyno ,Somali waa hal”sidaasi waxa yiri madaxwayne Xasan.

Inta uu madaxwayne xasan shiikh uu ku suganyahay magaalada garoowe ayaa waxa uu kulamo la qaadan doona madaxwaynaha puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole waxana uu booqan doona sida lagu wado goobaha muhimka ah ee dowlada ee ku yaala magaalada Garoowe.