Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Xasan "C/Ramaanow Mar Uun Wax Faham" Faroole:Warkaaga Maqlay Lagu Waran Diiday Dhabo Weecsan Oo.....

Monday - April 29, 2013

Garoowe:Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo halkaas kula kulmay madaxda Puntland oo uu ugu horreeyo C/raxmaan Faroole.
Shir jaraa’id oo ay saxaafadda u qabteen kaddib markii ay kulan ku yeesheen madaxtooyada Puntland ee ku taalla Garoowe ayay ku faahfaahiyeen arrimihii ay kulankooda kusoo qaadeen iyadoo Faroole uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay qaybteeda ka qaadato dhameystirka dhismaha dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne C/raxmaan waxuu yiri Soomaaliya waxaa la isugu keeni karo waa nidaamka federaalka oo la hir-geliyo; kaasoo qeexaya waxyaabaha la wadaagayo iyo waxyaabaha gaarka loo kala leeyahay, mudanw madaxweyne waxaa ku horyaala hawlo badan waana in Xukuumaddaha kale la keeno Nidaamka Federalka” wuxuu kalo hadalkiisa ku sheegay sidoo kale inay qayb weyn ka soo qaateen dhameystirka habkii KMG ahayd ee dowladihii Soomaaliya ku soo shaqeyn jireen, haddana ay diyaar u yihiiin inay kaalintooda ka qaatana sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka federaalka.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo isaguna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa marka hore uga mahadceliyay madaxda Puntland sidii loogu soo dhaweeyay Garoowe, isagoo intaas ku daray in Puntland ay u ahayd hormuud dadaalladii looga baxay dowladlihii KMG ahaa.

Waxuuna warkiisa si raaciyey oo yiri ” Wax badan ayaa ka dhiman hirgelinta habka federaalka, waddaduna waa mid qodxo badan oo dhibaato badan ay taallo, sida keliya ee looga gudbi karana waa iskaashi, kalsooni iyo in isku-samir la muujiyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta nidaamkan oo lagu soo doortay iyaga.


Isagoo ka hadlayay sida ay Soomaaliya ku midoobi karto ayuu yiri: ” Dalkaan waa mid, arrintu ma taagna ma kala go’naa iyo ma kala tagnaa balse, waxay taagan tahay sidee dadkii iyo dalkii aan isugu soo celinaa ayaa loo baahan yahay in lagu fikiro.”
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu Puntland ku tilmaamay mid tusaale u ah dowladda Soomaaliya, maadaama ay ku timid amase ku dhalatay go’aan ka soo baxay dadka u dhashay deegaanka oo aanay jirin cid dibadda uga timid.

Dhinaca kale sida magaalada Garoowe laga soo tabinaayo wada hadalada hoose ee dhex maray labada dhinac lagma sheegin wax is afgarad ah siiba arinta la xariirta Maamulka Kisimaayo ee laga hirgalinaayo laakiin Shiikh Xasan diidanyahay ..Xasan waxuu leeyahay C/raxmaanow waxaad tahay walaal iyo wiil aan jeclahay oo anigu Reerka iyo Sureer iyo Waris wanaag baan la raba ee C/raxmaanow mar uun wax faham, hasa ahaate C/raxmaan oo arintaa mar ka jawaabayey ayaa yiri warkaaga maqlay lagu waran diiday dhabo weecsan oo waajib naloo ka dhigaayo ee Xasanow maxaa kaa dhaba.. Xasanow yaan la is laab-raacin sheekada huhaada gardiidka Xasan Xaad Iyo Wiilasha Akshin Hawiye ee Halka Anteeno dhagahaaga u furay.