Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Ragii Badrada Iyo Aabiga Ku Dilay Al-Digtoor A.C/raxmaan Oo Maanta Baas Balalaya Qorta Looga Gooyey

Tuesday - April 30, 2013

Maamulka Puntland oo ay muuqato markaan inu talinaayo ayaa maanta xukuno dil ah oo horey loogu riday ku fuliyey 13 wiil labaatan jiro ah waalidkii dhalay jigraaray oo lagu eedeeyey duulaan islaameed iyo iney ka tirsanayeen xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia, isla markaana falal isugu jira dilal iyo qaraxyo ka geystay Puntland degaano ka tirsan.

Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa saaka ka dhacday fagaare ku yaala duleedka Bari ee magaalada Boosaaso, halkaasoo gaari lagu geeyey 13-kaas dhalinyarada ah oo ay ku jirtay haweeney, waxaana ka dib toogtay ciidamo loogu talo galay oo maamulka ka tirsan.

Raga la toogtay sadex ka mid ah ayaa waxaa lagu helay iney ka qeyb qaateen dil sanadkii hore loogu geystay magaalada Boosaaso fadiilat Al-Digtoor. Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka mid ahaa culimaa-udiinka Soomaaliyeed ee aqoontooda sareysay,  iyadoo 10-ka kalena la sheegay iney falal isugu jira dilal iyo qaraxyo ka geysteen magaalooyin ka tirsan Puntland.

Dhowaan ayaa dhalinyaradan waxaa xukun dil ah ku riday maxkamada darajada 1aad ee Puntland, waxaana jira maxaabiis lagu tuhunsan iney ka tirsan yihiin Al-shabaab kuwaasoo ku xirxiran xabsiyada maamulkaas, maxkamadna aan weli la soo taagin, waxaana ka mid wiil bilo ka hor Garowe ku toogtay Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo isna ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn.