Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Taliyaal Cusub Oo Loo Magacaabay Taliska Ciidanka Boliska Iyo Hay'dda Nabasugida Qaranka

Thursday - May 2, 2013

Mogadisho: Shirki khamiista ee sida caadada ahayd ay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ka shiri jireen arimaha qaranka ee hor yaal ayaa shirkoodi maanta ku meel-mariyay magacaabista taliyeyaasha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaasha ciidanka la kala magacaabay ayaa ah, Jen. C/xakiim Daahir Saciid Xaashi (Saacid) oo loo magacaabay taliyaha ciidanka boliska somaaliyeed iyadoo dhinaca kale taliyaha ha’yadda Nabadsugidda Qaranka loo magacaabay, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).,waxaana la sheegay in cod aqlibad leh lagu anshaxiyey.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in magacaabista labadan mas'uul ay u arkaan kuwo ku haboon howlaha sugidda ammaanka dalka, wuxuuna ku boorriyay inay ka soo baxaan howlaha loo igmaday maadaama ay horay u ahaayeen saraakiil ka tirsanaa booliiska Soomaaliya.

Sida caadada ah labadan jeneral ayaa uga baahan meel-marin baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta aysan billaabin howlahooda shaqo, waxaana magacaabiddooda ay ku soo beegmaysaa xilli ay magaalada Muqdisho ka jiraan howgallo amniga lagu adkeynayo.

Taliyihii hay’adda nabadsugidda Qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa bil ka hor xilka si kadis ah isaga casilay , halka taliyaha ciidamada booliiska, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya xilka laga xayuubiyey.