Bulshada Jubaland: Hadalka Xsan R'i Is-Nuugtay Meel Uga Ekaa, Maxaa keenay Hawiye Haday Dawladnimo..
Thursday - May 2, 2013
Mogadisho: Madaxweyna Federaalka Somaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in dowladiisu ay ka soo horjeedo shirarka kismaayo ka socda ee la rabo in maamul halkaas gobollada Jubooyinka iyo Gedo looga disaayo
Xasan Shiikh oo khudbad ka horjeediyey fadhiga Baarlamanka Somaaliya Muqdisho ka socda ayaa arrimaha ka hadlay wuxuuna sheegay in shirkaas kismaayo ka socda uu ka soo horjeedo Dastuurka.oo aysan marna suuragal ahayn inay aqbasho goaan hal dhinac ah oo lagu sameeyo maamul, waxaana doonaynaa goaan ay qayb ka yihiin hayadaha dowladda Federaalka iyo dadka deegaanadaasi, isla markaa madaxweyne Xasan ayaa xusay in shirka Kismaayo loo baahan yahay inuu noqdo wadatashi iyo mid dibu hishisiineed,wuxuna kalo soo hadal qaaday in Alshabaab ay ka faaiadaysan karto khilaaf ka dhasha Jubooyinka.
Dhinaca kale hadalkaas u Xasan ka hor jeediyey golaha baarlamaanka ayaa saameyn weyn ku yeeshay bulshada daarood meelkasta oo ay joogtaba, waxayna su'aasha is weydiinta leh ahayd oo reer Gedo iyo Kisimaayo ku soo koobeen" Xasan Shiikh ma jidkii haadaanta miyuu mar kale somaali cagta u saaray,Maxaa Keenay gole Hawiye- Irir- Daarood haddey dawladnimo joogtay, oo markaas somaalida aan hawiyaha ahayn dibada miyey aaday, mise Roobab duufaan daad leh baa qaaday,.
Sido kale bulsho Somaali Reer London ah ee ka soo jeeda degaanadaas ayaa iyagana dhinacooda hadal ka bixiyey warkii Xasan Shiikh oo yiraahdeen " Waxaa argagax oo ma harto ku reebtay iyo dhabanahays wax dhageystaba dhagaha faraha galiyey waxa ka soo yeray madaxdi ummada u boqraneyd oo meel uga dhaceen magaci ay huwanaayeen .. masuulki la lahaa waa idin hormood ma ummadi buu dab kala dhex dhigay sidaana u bareeray waxaan leenahay kadaro dibi dhal .. Xasan Shiikh waxay ahayd dibnihiisa inuu baro xaqa iyo xaqiiqada jirta balse ma ahayn inu saameyn ku yeesho oohinta ilmada Yaxaas iyo dacaayadi delqaafka Odayaasha Hawiye- Xasan Xaad ee ku aflagaadeyey bulshada Jubooyinka, haddana ma ahayn dawooga in si public ah sidaa loo daaco,waxay hadalkoodi raaciyeen oo yiraahdeen; daacad xumo waa waxa qabaaiilka Somaali dareenka kala dhex dhigay oo ay isku dileen , waxayna madaxweyne Xasan shiikh tusaale ku yiraahdeen" xilka guudka kuu saaran iyo garo waxaad hayso .. dar alle geeridu siman colaad la isku dabar go'o nabad baa ka door-roon ayey warkooda sii raaciyeen.
Laakiin Bulsho oo iyagana igala soo xariiray halkaan oo ii soo gudbisay warka ka socda Magaalada Minesotta-US ayaa dhinacooda rayi ka bixiyey warkii madaxweynaha u ka jeediyey Baarlamaanka hortiisa waxayna ku soo koobeen" waa yaabe ma qabiilkii wax dilay wax dhacay oo hantidi ummadda weli haysta ay dawlada Xasan Shiikh weli si dhiiri-galineysa, oo dhageysaneysa, mise ninka dulman ee dulmi-diidka ah ayaa roog cas loo dhigaa, suragalse ma tahay in maanta madaxweyne dal jabhadeeyo .. dhaqanki hore ee somaalida waxaa ka jiray maah-maah oraneysa" Ninki warankaagu galo ayaa warkaagu gala" oo micneheedu yahay marka aad wax iska celiso ayaad nin tahay ayey warkoodi ku soo koobeen
Reer Puntland oo iyagana guuxooda laga soo waramaayo waxay matal ku yiraahdeen: Waxaa la yiri Sagaaro oo iska ordeysa oo aan qabin wax baqdin ah, bey bur duulaya la kulantay oo dabadeed ganac go'day, waxaa maanta nagu soo hamaansaday ayey yiraahdeen Awr baar-qab ah oo kaliil qooqay habeedi iska seyrinaaya .. Awrki madax taag loo gasho waa tusmo habaaba .. Xasan Culusow si kasata loo habeeyo maskab kasta oo loo dhiibo, xil kasta loo doorto darajo kasta oo lagu raro, magac kasta oo loogu yeero waxuu ka yahay amase waa nooca Nin Seexday oo soo toosay
inkasto loo baaqo, oo loo sheego barwaaqo, Rag bey meeli bugtaa bugtaa.
Abu-dabi baa laga soo waramay; Sadex baa Rag u liita, ma dhugte,ma dhaqde, ma Dhageyste, xilna waxaa loo dhiiba nin gudan-kara, xaajana waxaa loo dhiiba nin gudan-kara, xoolana waxaa loo dhiibaa nin xafidi-kara
Yurub: Waxaa argagax