Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Lagu Casumay Shirka London Ee Arimaha Somaliya Looga Hadlaayo

Saturday - May 4, 2013

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku diyaarinaya ka qeyb galka shirka London ka furmaya maalintada Taalada ah ee looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Sid ay soo tabineyso warbaahinta Ingiriiska M/weyne Uhuru Kenyatta uu casumaad rasmi ah ka helay dawlada Ingiriiska oo qaban qaabinaysa shirka London maadaama dawlada Kenya ay ka mid tahay dawladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibbadda dawlada Ingiriiska ayaa u sheegay wargeyska Daily Telegraph ee London ka soo baxa inay Madaxweyne Kenyatta ay u xusheen maadaama ay door wanaagsan xilligaan ka cayaarayaan siyaasadda Soomaaliya.

Warar sidoo kale laga helay xafiiska M/weynaha Kenya ayaa sheegaya in M/weynuhu uu diyaar u yahay inuu shirka ka qeyb galo oo uu waliba ka hadlo arrimo ay ka mid yihiin la dagaalanka Xarakadda Al-Shabab dib u dhiska dalka iyo xoojinta ciidamada dawlada Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Kenya dibbada ugu baxo tan iyo markii uu dhawaan kusoobaxay doorashooyinkii dalkaasi Kenya ka dhacay.