Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Dawlada Maamul Goboleedka Puntland Oo Soo Saaray Qoraal Ku Aadan Go'aankooda Ka Qayb Galka London

Saturday - May 4, 2013

Garoowe: Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta soo saaray qoraal ku aadan shirka arimaha Somalida ee Todabadda bishan ka furmaya magaaladda London, qoraalkaas oo ay toos ugu direen dawladda Ingiriiska.

Qoraalka uu maamulkaasi ku socodsiiyey dawladda Ingiriiska ayaa nuxurkiisu ku aroorayaa cabasho ay sal uga dhigayaan in aan wefti ka socdaa shirka tegi doonin, iyaga oo sal uga dhigay in illaa hadda aan la soo gaarsiin casuumaad rasmi ah oo lagu casuumayo shirka London. Sidaa daraadeed aanay wax wefdi ah usoo diri doonin shirka London, balse ay aragtidooda ku soo gudbin doonto qoraal ay usoo dirayaan shirka furmaya Todabadda bishan May.

Madaxweynaha dawladda federalka Somaliya ayaa todobaadkii hore Garoowe ku tagay socdaal ujeeddadiisu ahayd sidii uu maamulkaas ugu gudbin lahaa casuumadda ka soo qayb galka shirka London, hase yeeshee socdaalka madaxweynuhu wuu guuldareystay, waxaana caddeynaya go'aanka uu maamulkaasi maanta ka soo saaray ka qaybgalkiisa shairkaas.