Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Maal-qabeeno Ka Soo Jeeda Maamulka Somaliland Iyo Somaliya Oo Dalka Turkiga Lagu Casumay

Sunday - May 5, 2013

Ganacsato ka kooban maamulka Somaliland iyo Somaliya ayaa dhawaan dalka Turkiga kaga qayb gali-doona Shir Dawladda Turkigu u qabsanayso Ganacsatada maalqabeenka Somaliya, kuwasoo ay kaga dalbanayso in xirir Ganacsi oo dhaw ay la sameeyaan Wax-soo-saarka Dalkooda.

Shirkan Ganacsatada Somaliya lagu casuumay waxa qaban qaabinaysa Dawladda Turkiga waxaanu qorshaha ay ka leeyihiin yahay sidii xiriirka labada Dal isugu soo dhawaan lahaa isla markaana u wadaagi lahaayeen wax-soo-saarka labada Dal. Shirkan ayaa ka dhici doona magaaladaa ISTANBUL

Dawladda Turkigu waxa ay Ganacsatada maamulka Somaliland ka casuuntay shan iyo toban xubnood kuwaas oo la sheegay in Liiskoodii loo gudbiyay iyadoo dhinaca Somaliyana ay ka tagi doonaan Ganacsato kale oo la martiqaaday waxa ay Dawladda Turkigu soo marisay Martiqaadkan wasaarada ganacsiga ee Dawladda Somaliya.

Tartanka loogu jirop khayraadka Somaliya ayaa soo dadajiyay in Dawladda Turkigu soo qaban qaabiso shirkan iyadoo dhawaana Dawladda talyaanigu shirk kan oo kale ah ay u samaysay Ganacsatada Somaliya, inkasta oo aanay Reer Somaliland kaas ka qayb gelin.

Shirka Dawladda Turkigu u qabanasyo Ganacsatada Soomaaliyeed waxa bar bar socda qaban qaabo kale oo ay dawladda Turkigu ku casuuntay Banadhig Carwo ah oo ay ka qayb geli doonaan Rugta Xubno ka socda Rugta Ganacsiga Somaliya kuwaasoo iyana ay Dawladda Turkigu casuuntay.