Breaking News:Dhurwaagi Godane Ee Musllimiinta Ku Cabiidsan Jiray Madaxaan Kaa Goyn Oo Hagrysa .....
Monday - May 6, 2013
Wararka naga soo gaaraya magalada Hargeysa ayaa sheegaya in gurigi u ku jiro Amiir Axmed Godane ay boliska amniga hargeysa ay ku gaadaamanyihiin oo gaar xoogan laga hayo, gurigaasoo la sheegay iney hooyadiis ku nooshahay, waxaana warku intaa ku daraya in ciidankaas oo watay lix gaari ay Guriga Gudihiisa baareen .. Guriga Reer Cabdi Godane waxa ku nool ayaa la yiri Hooyadood oo daah isla markaana Xanuun sanaysa.
Warar hordhaca oo hawlgalkaa ka soo baxaya ayaa sheegaya in boolisku talaabadan ay ku baareen Guriga Reer Cabdi Godane ayaa ku soo beegmaysa maalin kadib markii fariin dhinaca Codka ah oo hanjabaad xambaarsanayd uu warbaahinta soo galiyey halka ay kooxdiisu weerar is miidaamin ah ka fulisay Muqdisho kuwaas oo ay ku geeriyoodeen dhawriyo taban Qof halka ay in ka badan labaatan ku dhaawacantay.
Booliska ayaa la sheegay Saaka inay Xireen Nin ay Walaalo Yihiin Amiir Godane .. Booliska Somaliland Waxay horay xabsiga u taxaabeen Wiil aya walaalo yihiin Amiirkaas oo ka tirsanaan Al-Shabaab Balse isaga yimid wiilkaas oo mudo ku siman todoba bilood Hargays Joogay ka hor intii aanay Boolisku Qaban.
Amiir Godanaha oo waqtigaan Hargeysa laga baarayo ayaa sida muuqata la garanayn goobta iyo guriga u ka joogo hargeysa .. dhawaan Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan ayaa ku eedaysay Amiir Godane iyo Kooxda ka amar qaadata inay ku hawlan yihiin weeraro ay ku khaarajinayaan Dagaal yahanada Ajaaniibta ah ee ku sugan Dagaamada ay haystaan waxaana ugu dambeeyey weerarkii lagu dhaawacay ninka la yiraahdo Al-Amiiriki.
Arinta si kastaba ha ahaatee waxaa maamulka Axmed Siilaanyo looga Fadhiyaa in ay ka hadasho soona bandhigto dareemada ku gaadaaman sababaha amiirka Al-shabaab Axmed Godane u hawlgalkiisa argagixiso saldhiga ugu dhigtay cariga somaliland gaar ahaan u si nabadgalyo ah ugu xaragoonaayo magalada Hargeysa