Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Somaliland oo Soo Dhaweysay Shirkii London

Wednesday - May 8, 2013

Hargeysa (RH) Somaliland ayaa soo dhaweysay shirkii London ka dhacay, waxaana ay ku tilmaamtay qoddobada looga hadlay in ay ahaayeen kuwa wax u taraya Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar, ayaa VOA u sheegay in Somaliland ay filayso in la soo gaarsiin doono lacagaha shirkaasi lagaga yaboohay qeybta uga aadan Somaliland sidaasina uu dhigayo heshiiskii ay iyaga iyo Dowlada Soomaaliya ku gaareen dalka Turkey sida uu yiri.

" Waxaanu u rajeeyneeynaa in lagu guuleysto arrimihii laga wada hadlay, waxaana anagu markasto jecelnahay in arimaha Soomaaliya ay guul ku dhamaadaan” ayuu yiri wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland.

Wasiirka, ayaa sheegay in maamulkooda ay aad usoo dhaweeynayaan war murtiyeedka gaar ahaan qodobka Siyaasada, kaasoo lagu soo dhaweeyay wadahadaladii dhexmaray doowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Maxamed C/lahi Cumar, ayaa sidoo kale sheegay in shirkii shalay uu u muuqaal ekaa mid quseeya doowlada Soomaaliya oo kaliya, hadii ay iyagu ka qeyb galilahaayeena gooni isku taagooda uu mugdi gali lahaa.

Wuxuu kaloo sheegay Somaliland in ay soo dhaweynayso shirkii caalamiga ahaa ee shalay ka dhacay magaalada London ee lacagaha loogu uruurinayay dalka Soomaaliya.

Ugu dambeen wuxuu sheegay wasiirka in qoddobka 4-aad ee shirka war-murtiyeedka ka soo baxay ay si gaar u soo dhaweenayaan maadama uu taageerayo wada-hadalkii dhawaan Soomaaliya iyo Somaliland ay ku yeesheen dalka Turkiga.