Siilaanyo Marku Is Diidsiiyey S/weyn,Dawlada Ingiriiska O Ka Xirtay Maalkii Damdamta Lagu Heli Jiray
Thursday - May 9, 2013
London:Waxa soo baxaya lacag lagu qiyaasay ku dhawaad Lixdan Milyan oo ku jirtay sanduuq Dhawr Dawladood u sameeyeen Somaliland oo la yirhaahdo Somaliland Trust Fund oo loogu talo galay in lagu fuliyo mashaariic Horumarineed in la xanibay oo loo wareejiyay dhaqaalaha Somaliya loogu Ururinayo Dalka Ingiriiska.
Sanduuqan oo wax weyn ka tari lahaa baahiyaha Aasaasiga ah ee Somaliland hase yeeshee marna umay suurtogelin dhaqaalahaas in gacanteeda lagu soo wareejiyo, balse waxa socday Qorshe sadex geesood ahaa oo dhawaan Dalka Itoobiya ku dhex maray Somaliland, Dawladda Ingiriiska iyo Hayad Dhexe oo la doonayay in maamulka Sanduuqaas lagu wareejiyo.
Wararka isa soo taraya ayaa xaqiijinaaya in Sanduuqaas lagu sameeyay muaamarad lagu hakinayo in Somaliland lacagtaasi la siiyo, waxaanay wararka hordhaca ah ee ka soo baxayaa sheegayaan in shirkad kale oo ka shaqaysata Arrimaha ururinta Qaaraamada oo ka soo jeeda Ingiriisku Somaliland ku eedaysay inaanay lacagihii hore ee tooska loo siin jiray wax xisaab xir ah ka keenin isla markaana an la gaarsiin meelihii loogu talo galay.
ilo wareedyo kale ayaa iyagana sheegaya lacagta Sanduuqaasi in ay Dawladda Ingiriisku Somaliland ku war gelisay in aanay siinayn ilaa ay ka soo qayb galaan shirkii ka qabsoomay dalkeeda ee ay wada maamulayeen iyaga iyo Somaliya, taasna Somaliland dhinaceeda ay ka diiday, hase yeeshee sida ay wararku sheegayaan dawladda Ingiriisku waxay isku dayday tabo kale oo ay Beelaha Somaliland dad ka socda ku jilaaban lahaayeen iyagoo maqaar saar uga dhigaya dhaqaalaha Sanduuqaas ku jira.
Balse sida muuqata lacagtaasi waxay u egtahay in Dawladda Ingiriiska iyo Dawladihii soo bixiyayba ay leexiyeen iyaga oo uga faaiidaysanaya dhaqaalaha ay doonayaasn in ay Somaliya ku maamulaan.
Dhinaca kale waxa Somaliland hor yaala caqabado kale oo ka saamayn kara Hayadaha qaramada Midoobay ee u guuraya Somaliya iyo guddida Somaliya iyo Ingiriisku u saareen dhaqaalaha loo ururinayo oo loo magacaabay sida wararku sheegayaan shan iyo toban qof oo Maamul wanaaga iyo dhaqaalaha ku takhasusay.
Sarkaalk khabiir ahaa kana mid noqday madaxda Dhaqaalaha Somaliya maamulaysa aya maamulka talada haya ee Xisbiga Kulmiye banaanka dhigtay markii ay talada dalka la wareegtay iyadoo si fool xumo ah ula macaamishay markii ay meesha ka saaraysay, sidoo kale waxa ay Somaliland Albaabada u laabtay Xafiiskii uu ka shaqayn jiray oo la oran jiray jaan-goynta siyaasada Maaliyada oo ay maal gelin jireen qaramada midoobay.
Si kasta ha ahaatee Somaliland waxa hor yaala qorshihii ay ku heli lahayd dhaqaalihii beesha Caalamku siin jiray maadaama Dawladda Somaliya dhex cararayso dunida isla markaana Somaliland la gashay Heshii Beesha Caalamku soo dhaweysay oo ah in qaybta ay leedahay laga siiyo qaaraankaas loogu yaboohay wixii la isku odhan jiray Somaliweyn.