Jeneralki Bilic Gobeedka Burada Loo Siiyey, General Saacid Daahir Oo Xilki Boliska Si Rasmi Ah Ula..
Saturday - May 11, 2013
Muqdisho: Xafalad si maamus qurux badan loo soo agaasimay oo ujeedadu ahayd in sidi xilalka ay ula kala wareegi-lahaayeen labada jeneral oo halkaas jeneral Saacid xilka taliska boliska somaaliyeed kula wareegaayey, iyo taliyihi hore oo xilka wareejinaayey, ayaa waxaa munaasabadaas ka soo qayb galay madax xajmi weyn leh sida Raiisal wasaarihi Somaaliya Mudane Saacid faarax Shiikhdoon iyo wasiirka arimaha gudaha, isla markaa waxaa iyagana munasabadaas ka qayb galay saraakiishi boliska somaaliyeed darajo kasta lahaa.
Goobta munaasabada xil wareejinta furitaanka xaflada ka dib waxaa goobta ka hadlay taliyihi hore ee boliska Shariif Shiikuna Maye isago halkaas uga faalooday marxaladooyinka u soo maray isaga shakhsi ahaan iyo gaar ahaan boliska Somaliyeed , waxuuna sheegaye inu si wanaagsan oo leh talo iyo tusaale ula shaqeyn-doono taliska cusub ee loo soo magacaabay boliska.
Isla markaa taliyaha cusub ee ciidanka boliska General Saacid Daahir Saciid oo isaga mekrafoonka lagu soo dhaweeyey ayaa halkaas khudbadiisi si cilmiyeysan ugu lafa guray kuna bilaabay in mahad idilkeed u allaha weyn u sugantahay ee keligi xaqa u leh amaanta wanaagsan, waxuuna isagoo ka sheekeynaya silsilada taariikheed ee faca-weyn iyo karaamada bolisku mudanyahay ayuu hadalkiisa si kooban ugu tilmaamay inu si karti iyo hufnaan leh u gudan-doono shaqada iyo waajibaadka qaran ee loo xilsaaray isagoo isla markaa xusay in ciidanka ay maanta hor yaaliin hawlo fara badan oo u baahan gurmad iyo kala furdaamin .. Generaalku waxuu kalo carbaabay in birmadka iyo wax qabadka boliska u yahay mid aan la dafiri-karin una yahay ciidan samir badan oo dulqaad-kooda iyo garasha-doodu aad u weyntahay, hawl-galkoodana had iyo jeer uu sugaan si nabadgalyo ah oo aan colaad iyo qas ka dhalan-karin, waxaana rabnaa ayuu yiri in si wanaagsan oo wada jir ah loogu helo talada ugu dhaw ee wax lagaga qaban-karo kuwa nabadgalyo xumida wada ee kolba sheydaanku durbaanka meel baas uga garaacyo .. Generaalka ayaa hadalkiisi ku soo xiray, wixii halis dalka ku yimaada giddi waan u hagar baxeynaa, oo haddi dagal na dhex-maro cadawga hub dhacaya ayaan nahay, nabadana har baan u nahay
Munaasabada madasha xafladaas gaba-gabadeeda waxaa isagana halkaas ka hadlay raiisal wasaaraha Somaliya Mudane saacid oo hambalyo iyo bogaadin u jeediyey jeneraladaas xilka la kala wareegay isagoo si gaara taliska cusub kula dardaarmay iney jaaniska hawlgal-kooda qorshaha farshaxan si wanaagsan uga soo dhalaalaan si ciidanka dhogortooda hawl darar cusub u gasho iyo daliilo nabadgalyo ay shicbka soo hor dhigaan