Wasiirkii Arimaha Gudaha Ee Itoobiya Oo Xabsiga Loo Taxaabay
Sunday - May 12, 2013
Addis-Ababa (RH) Ciidamada faderalka Dowlada Ethiopia ayaa Xabsiga u taxaabay Wasiirkii Wasaarada Dakhliga Itoobiya iyo ku-xigeenkiisa iyo 11 Shaqaala ah ka dib markii lagu eedeeyey musuq-maasuq iyo lunsi hanti qaran labadan masuul iyo 11 Shaqaala ah ayaa la sheegay in ay si bareera u lunsadeen Hantidii Dowlada waxaana dacwadan ku soo oogay Xafiiska Anshaxa iyo la dagaalanka Musuqa DFI
Dadkan Xabsiga loo taxaabay laguna eedeeyay Musuq-maasuqa hantida dawlada ayaa Qaarkood ay jagooyin sarsare ka soo qabteen dawlada federaalka itoobiya iyo Deegaanadaba kuwaasoo ay ka mid yihiin Melaku Fanta oo ah Wasiirkii Wasaarada Daakhliga Itoobiya iyo ku-xigeenkiisa Gabre-waaxid Gabre
Masuuliyiinta Komishinka Anshaxa iyo La dagaalanka Musuqa (Federal Anti-Corruption Commission.) ayaa warbaahinta u sheegay in ay Dadkan Madaxda ah iyo shaqaalahoodaba ay u hayaan cadayn in ay sameeyeen Musuq-maasuq iyagoo xusay dadkan la xiray ku takri faleen Hantidii shacabka iyagoo sheegay in ay maxkamada soo hordhigi doonaan cadaymo dhamaystiran oo la xiriira Dacwadooda.
Guud ahaan dadka Xabsiga loo taxaabay ayaa badankoodu ay ka mid ahaayeen madaxdii iyo waaxihii ugu sareeyay Xafiiska Dakhliga DFI iyo Laamaha Gobolada iyo degmooyinka Dowlada Ethiopia.