Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 16 July 2025

Qorshe Lagu Khaarijinaayo Prof. Cali Khalif Galeyr Oo Si Halisa Loo Agaasimay

Monday - May 13, 2013

Xigasho waagacusub.com: Masuulkaan oo codsaday inaan magaciisa la xusin iyo Saraakiil Sirdoonka oo ka tirsan dalalka deriska,kuwa Dowladda Federalka iyo qaar ka mida Dalalka Carabta ayaa xogta uga sheekeeyay si isku mida.
Macluumaadka ay bixiyeen oo ku saleeysan telefoono la dhageystay,goobjooganimo iyo dabagal la sameeyay ,waa sidaan:
Wasiirada Madaxtooyadda Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Somaliland Farah Abdulkadir iyo Hersi Haji Ali ayaa Dubia kulan qarsoodiya ku yeeshay March 26, 2013 .xilligaasna wuxuu Madaxweynaha Somalia socdaal ku joogay Dalka Qatar halka Hersi uu la socday Wafdiga Madaxweynaha Somaliland oo Emirate-ka booqasha ku joogay.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Hersi Ali Haji Hassan ayaa Wasiir Farah Abdulkadir ku yiri " Ali Khalif Galeydh baan qaati ka joognaa,idinkana waad ka joogtaa sidaas darteed waxaa arrimaha kulankeena ugu muhiimsan inaad ninkaas khaarijisaan,waa nin qabyaaladu dilootay,waana ninka maanta Khaatuma iyo Jubaland wado"
 
Wasiirka Madaxtooyadda Somalia Farah Abdulkadir ayaa ku gaabsaday" Waxaan arrinka ula tegayaa Madaxweyne Hassan sidaas darteed waxaad iga heli doontaan Jawaab"
 
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Hersi Haji Ali iyo Farah Abdulkadir kana koobnaa afar ruux ayaa 11 April 2013 ku kulmay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Wasiir Farah Abdulkadir ayaa u sheegay Wasiir Hersi iyo Masuulkii la socday inaysan suurtagal aheyn in Prof Galeydh lagu dilo Muqdisho " Madaxweynaha iyo anigaba waan isla garanay in arrinkaas halis badan ka dhalan karto maxaa yeelay Indhaha Caalamka ayaa aad noogu foogan,waana la fahmayaa inaan falkaas fulinay sidaas darteed waxaan isla garanay in Nairobi lagu cuno Kaabaha"
Wasiir Hersi ayaa yiri " Waxaa aad noola shaqeeya Raila Odinga isaga ayaan la kaashan doonaa"
Wasiiir Farah ayaa ugu jawaabay " Ninkaas odaygaa ha gaarsiin arrinka maxaa yeelay nin heerkaas gaarsiisan ma yeelayo in dalkiisa qof lagu dilo maxaa yeelay dal walba wuxuu u dagaalamayaa amaanka laakiin waxaan arrimahaas u saareeynaa koox fulisa,waxaa buuxa Hitman,waa meeshii istarliin Cabdi Caruus lagu dilay,Sheekh Ibrahim lagu dilay"
Labada dhinac waxay isla qaateen in Nairobi lagu khaarijiyo Prof Galeydh hasse yeeshee waxay xaajadu sii laba kacleeysay markii xulufo uu ka mid yahay Xildhibaan Galeydh xusul duub xoogan u galeen mooshin ka dhana heshiiskii Ankara.
Sirtii iyo wada hadalkii dhexmaray ayey Sirdoonka Dowlado badan ka dhageysteen Hersi iyo Farah oo ku wada hadlaya ,iyo iyagoo dad kale uga warbixinaya wada hadaladii hore u dhexmaray .
Wada hadal dheer kadib waxaa khaarijinta Prof Galeydh loo xilsaaray afar ruux oo labada Wasiir ka mid yihiin.
Hersi Ali Haji Hassan oo beesha Isaaq gaar ahaan Habar jeclo u dhashay iyo Farah Abdulkadir oo beesha Reer Aw Hassan u dhashay ayaa kor ka maamuli doono mishinka,waxaana fulintiisa ka shaqeeyn doona.
1- Keyse Hassan Digaale oo ah Ganacsade u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Raaska Ibrahim Sheekh Isxaaq {Sanbuur} 
Keyse oo heysta baasaboor Kenyana wuxuu leeyahay Hotel lagu magacaabo Daaru-Salaam ,wuxuuna ku yaal Jidka 7 Streed ee xaafada Somalida degta Islii.
2-Hassan Ahmed Mohamed oo loo yaqaan Hassan Waaqle ahna Ganacsade u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Habar jeclo reer Dahir.
Ninkaan lagu magacaabo Hassan Waaqle oo Sirdoonka Somalia sheegeen inuu safaro badan ku tago Gobolada dhexe ee Somalia,Puntland iyo Muqdisho waxaa la rumeeysan yahay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay lacag qaadista .
Lixdii bil ee ugu dambeysay wuxuu Hassan Waaqle lacago badan geeyay gobolada Galgaduud iyo Puntland ,wuxuuna degan yahay magaaladda Burco.