M/lkii Jubaland Wax Dabin Loo Dhigo Iyo Kolba Dhinac Kaga Imaansho Oo Beri Sidi Folkaanaha U Soo...
Tuesday - May 14, 2013
Kismaayo: Jubaland wax dibin loo dhigaba, ismacneyn iyo kolba dhinac ka imaasho, Sheeko la dado iyo khiyaamo lagu dayo iyo waxay duufaano muquurato oo ay ku hafataba iyo inta micida adeegsataba, hasa ahaate wax waliba maalin bey leeyihiin iyo saacad u eebe qoray oo aan horana u soo dhaceyn dibna u daaheyn ee ku socda sidi ilaahay ugu tala galay, waxaa maanta la soo tabinaya in doorashadi madaxweynaha Jubaland la qaban-doono maalinta khamiista oo waa hadey dib u dhacdo waa ayaanta sabtida.
Orod iyo wax weydiin ma yara shalay oo Shabakada Galdogob Times taleefoonka u ridatay siyaasiyiin gesiyaal waqtigoodi ku dhameystay danta guud halkaasna ku sugan oo iyagu aan wax ciiro ah isku qarineyn ayaa cadeeyey in wadaanti ceelka lagu tuuray oo la sugaayo in ay biyihi soo qaado, darkii lagu shubi-lahaana waa la dul taaganyahay .. santuukhyadi iyo goobti doorashada ka dhici lahayd waa la diyaariyey isla markaana xubnihi ergada waxaa loo qaybiyey ID-Card-digi aqoonsiga, waxayna xuseen in si heer sara ah amaanki magaalada loo sugay oo wax is dhaqaa-jinkara aysan jirin
Dhanka kale, waxaa nalo sheegay in khilaafyadi beelaha dhexdooda ee isku basbaa-seynaayey qaybsiga ergooyinka ay ku dhamaatay heshiis mashxarad la isku harqiyey, sidaa darteedna ayey yiraahdeen wax kasta waa dabranyihiin lamana joogo waqti sheeko iyo kiis iska waal wax lagu si dheereysto, dibu gurasho waa dhamaatay .. waxa la sugaba waa dhalashada madaxweynaha cusub ee maamulka Jubaland oo loo sugaayo sidi wiil curad lana filaayo iney folkaano ku noqoto Qashaabiirti shalay Del-qaafka isku biirsaday siyaasadi aragti-xumida iyo damacoodi qaladka ahaa.