Dhalashadi Maamulka Jubaland Oo Ku Dhameystiran-tay Doorashadi Shiikh Axmed Islaan " Madoobe"
Wednesday - May 15, 2013
Kisimaayo: Waxaa mar aan si fogeyn la iclaamiyey in jagadi Madaxtinimada dawlada maamulka Jubaland loo doortay Mudane Shiikh Axmed Islaan " Madoobe" doorashadaas oo maanta ka dhacday Jaamacada Kismaayo oo ay halkaas mudaba ka socotay abaabulka doorashada ayaa si xaqa qarsoodi aan lahayn qalinka lagu adkeeyey doorashada Axmed Madoobe, mana jiro sida la sheegay Nin walaa beel shirkaas ka baxay, taaso wixii is diid-siiyey amase ku xiiqsanaa maamulkaas lagu yiri sidi Jiniyada far-yaro bidix ka baxa, waxaana warkii ku soo idlaaday Beeni raad ma leh baa horay-ba loo yiri, wey isi soo gabtay war-wareegi waxaana dhacay waxay doonayeen shacabka reer Jubaland.
Warka ayaa intaa ku daraya in doorashada madaxtinimada maanta ka dhacday magaalada Kisimaayo si weyn ay ugu dabaaldageen bulshada reer Jubaland oo si faraxd ugu jirto ugu soo baxeen fagaaraha faras magaalah, waxaa warku intaa ku si daraya in madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo gaar ahaan dawlada Kenya iyo Itoobiya ay si kalgacal ah u soo dhaweyeen maamulkaas Jubaland iyo madaxweynaha loo doortay Axmad Madoobe, halka dawlada Dhexe iyo Hargeysa iyo warbaahinta mogdisho ay ku dadaalayaan iney doorashada maamlkaas mariyaan buraash wasakheysan.