Xukuno Maxkamadeed Oo Lagu Kala Riday Somali Ku Nool Gobolka Minneapolis-US
Friday - May 17, 2013
Minneapolis (RH) Sida ay qortay Jimcaha maanta ah wakaalada wararka AP, waxaa shaley la soo gabagabeeyay xukunno lagu riday dad Soomaali ah kuwaasoo la sheegay in ay taageero siiyeen Xarakada Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.
Maxkamadda sagaalka qof ee Soomaalida ayaa ka dhacday gobalka Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka deggan tahay ee Minnasotta.
Dadka la xukumay waxaa ku jirtta Aamina Faarax CalI, waxaana lagu xukumay 20-sanno oo xarig, kaddib markii lagu soo oogay 13-dacwado oo ay ka mid tahay in ay dhaqaale ku taageertay Al-Shabaabka Soomaaliya.
Sidoo kale maxkamadda Fedaraalka waxa ay 10-sanno ku xukuntay Xaawo Maxamed Xasan oo iyada lagu soo oogay hal dambi oo ah in ay been u sheegtay hey'adda FBI-da.
Waxa kaloo maxkamadda shaley ay labo sanno oo xarig ah garka u surtay Ceyduruus Cabdulle Cali oo isna been u sheegay xeer-beegti intii ay socotay baaritaanka la xiriira Somaali Maraykan ah oo soo aaday Soomaaliya kuna biiray Al-Shabaab.
Ceyduruus ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu been u sheegay kooxda baareysa Dhallinyarada ka tagta gobalka Minnesota xillaagsna waxa ay ahayd sannadkii 2009-ka.
Sidoo kale toddobaadkan waxaa la xukumay lix kale oo iyana dacwadooda ay ka socotay maxkamadda Fedaraalka ee Minneapolis, kuwaas lagu xukumay iyana xukun u dhexeeya seddax sanno ilaa 20-sanno oo xarig ah.
Sida uu sheegay garsooraha maxkamadda Michael Davis labada haweenka ayaa dhaqaale ka badan $8,600 u aruuriyay Xarakada Al-Shabab laga billaabo bishii September 2008 ilaa July 2009.
Dowladda Maraykanka ayaa horraantii sannadkii 2008 u aqoonsatay Ururka Al-Shabaab koox ay ugu yeertay Argagixiso ah. Si kastaba waxaa maxkamadda joogay oo daawanaayay kiiskan Soomaalida ku dhaqan Minnesota oo ah goobta ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan cariga Maraykanka.
Waxaa kaloo harsan 18-qof oo la sheegay in iyana loo heesto dambiyo noocan oo kale, laakin hey'adda FBI-da waxa ay lee dahay waxaa socda baaritaanno.