Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 16 July 2025

Geesigi U Kacay Dalka Ruushka Mudada Soo Dhutinaayey Mr. Valdmir Butin Oo Talo Ku Gaaray In .......

Sunday - May 19, 2013

Moscow : Warbaahinta dalka Russia, ayaa shaacisay in Madaxweynaha dalka Ruushka Mr. Vladimir Putin uu joojiyay gabi ahaan isticmaalka gaadiidkii badnaa ee galbin jirtay xiliyada uu u shaqada ka tegayo aqalka Kremlin, iyadoona sababta lagu sheegay in Gawaaridaasi ay mashquulinayaan Isticmaalka waddooyinka Shacabka.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu si toos ah u isticmaali doono diyaarad helicopter ah oo uu toos gurigiisa kaga soo shaqo tago-doono isla markaana ku rawaxi doono xiliyada uu shaqada ka rawaxayo.

Sidoo kale, Afhayeenka madaxtooyada Kremlin-ka looga taliyo dalka Ruushka, Dmitry Peskov, oo ka hadlayay xarunta raaxaysiga uu u tago, Madaxweynaha dalkaasi ee lagu magacaabo Sochi oo ku taala bada madow ama Black Sea-ga loo yaqaano, taas oo ah meesha uu inta badan fasaxiisa ku qaato Vladimir Putin, ayaa sheegay in madaxweynaha dalkaasi badalayo gaadiidkii tirada badnaa ee lagu galbin jiray, ka dib markii saxmadoodi fara badatay ee ciriiri waddooyinka ka dhigeen.

Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu yiri: Waa lagama maarmaan in xukuumadu ay xal u aragto isticmaalka Madaxweynaha ee diyaaradda helicopter. Waayo xiliyada madaxweynaha la galbinaayo waxaa xirma wadooyinka taasina waxa ay dhib u tahay shacabka, sidaa awgeed waa inaan raali galinaa shacabka’’ sidaa waxaa yiri Afhayeenka Kremlin-ka looga taliyo dalka Ruushka, oo intaa ku daray in Madaxda kale ay u raadin doonaan xal looga badbaado xanibaada waddooyinka xiliyada ay wadooyinka isticmaalayaan madaxda kale.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabada u qaaday madaxweyne Butin ayaa waxa ay noqoneysaa tallaabo wax ku’ool ah oo ay ku kala badbaadayaan Madaxda dalka iyo Shacabka, iyadoo inta badan wadooyinka la xiri jiray ku dhawaad Saacad xiliga uu Madaxweynuhu maraayo wadooyinka wadankaa Ruushka.