Saameynta Ay Ku yeelatay Somaaliya Markii
Monday - May 20, 2013
Nairobi- Adis-Washinton- London:Wararka laga helaayo diplomaasiyiinta reer galbeedka ee ku sugan adis-ababa iyo kenya iyo gaar ahaan kuwa ku sugan cariga Jabuuti, ayaa laga soo xigtay warar isku wada sawir guuda oo ay ku tilmaamayaan in habdhaqanka siyaaso ay isla soo taagtay dawlada Xasan Shiikh ee si aan loo baahneyn ugu talax tagtay maamulka laga dhisay jubaland ay keentay in xukumada maanta ka jirta somaliya reer galbeedku dib uga fiirsadaan, waxay kalo carabka ku dhufteen in siyaasada Xasan ay saameysay is fahamkii bulshada somaali waayahaanba ka jiray.
Dipolomaasiga oo siyaasadiisa saameyn weyn ku leh East Afrika iyo gaar ahaan geeska afrika ahna Ninka looga dambeeyo waxa laga damacsanyahay siyaasada lagula dhaqmaayo dawladahaas, ayaa maru la hadlaayey rag wararka ay is dhaafsadaan ayaa xusay in madaxweyne Xasan Shiikh isago banaan jooga bandar jiifa lagama maleysaneyn inu bohol ku dhaco oo maareyn-waayo maamulka Kisimaayo, isago intaa raaciyey oo yiri; maanta dawladaha caalamka oo dhami iyo warbaahinta dunida qaadaadigeysa sida iyo qaabka maamulkaas Jubaland lagu doortay, miyaan aqbalikarnaa inu mar labaad naga soo hor mutaxnaado, waxaase taa ka si daran ayuu yiri in Xasan Shiikh weli la soo taaganyahay Jubaland madaxweynayaal badan ayaa ka jira
Waxaa halkaan ku soo gudbineynaa warar laga helay rag aqoon sare isla markaana ka mida diplpmaasiyiin ka faalooday saameynta ay ku yeelatay somaaliya habdhaqanka dawlada xasan Shiikh ay waayahaan kula dhaqmeysay Shucuubta Jubaland
Deriskaa dagaalkaaga raba, dooradaada ceshaas ku dhhaa
-Doqon dib ey wax ka garata
Hilbo ninki lahaa haysto ayey haada cirku is kuleysa