Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 16 July 2025

Haweyneyda Amina Maxamed Oo Loo Dhaariyey Wasiirka Arimaha Dibada Ee Dalka Kenya

Tuesday - May 21, 2013

Nairobi (RH)  Xaflad ka dhacday Isniintii shaley magaalada Nairobi, ayaa waxaa lagu dhaariyay qaar ka mid ah golaha wasiirada cusub ee dalka Kenya.

Wasiirada la dhaariyay waxaa ku jirta wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Amina Mohammed, haweyneedan waxa ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee dumar ah oo loo dhaariyo jagadan taarikhda dalka Kenya.

Amina ayaa asalkeeda wuxuu ka soo jeedaa dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay ka maqneyd xilligii xubnaha kale ee ku jira golaha wasiirrada Kenya la dhaariyay toddobaadkii hore.

Xaladda dhaarinta wasiirka waxaa goob-joog ka ahaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada cusub ee dalka Kenya.

Madaxweyne Uhuru ayaa u hambalyeeyay Amina, wuxuuna sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono xafiiskeeda si loo xoojiyo xiriirka caalamiga ah ee Kenya.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay tahay wasaarad aad muhiim u ah marka loo eego hirgelinta siyaasadda dalka ee diblomaasiyadda dhaqaalaha.

Wuxuu sheegay in dowladda cusub looga baahan yahay inay la timaaddo siyaasaad hufan oo ku wahajan caalamka si loo horumariyo danaha Kenya ay ka leedahay gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Si kastaba, dadka la socda siyaasada Kenya iyo Soomaaliya, waxa ay lee yihiin labada madaxweyne ee waddamadan waxa ay u muuqdaan kuwa isaga eg dhinaca dowladda, waayo Soomaaliya. waxaa wasiirka arrimaha dibedda markii ugu horreysay loo magacaabay qof haween ah waana Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.