Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 16 July 2025

Reer Galbeedka Oo Sheegay Iney Indha Qorato Ku Egayaan Ficilka Xasan Shikh U Ku Xalin-doono Jubaland

Tuesday - May 21, 2013

Washinton: Loolanka siyaasadeed ee iminka ka taagan dawlada fedaraalka ee somaliya ee u hogaaminaayo madaxweyne Xasan shiikh oo dhinaca ah iyo maamul goboleedka cusub ee ka dhismay jubaland state oo loo doortay Axmed maxamed Islaan biishaan 15 May, ayaa diplomaasiyiinta reer galbeedku ku fasireen in arinta hadda geeska ku cusub ee Jubaland ay tahay xujo hortaagan madaxweynaha somaaliya.

Dalalka Reer galbeedka ayaa isha ku haya sida madaxweynaha dawlada fedaraalka ee somaliya Xasan Shiikh uu xalindoono Maamulka ka dhismay Jubaland iyagoo ku tilmaamay iney tahay tijaabo siyaasadeed "diplomacy test".

Mr.J Peter pham oo ka tirsan " atlantic council" oo ah xarun qaabilsan siyaasada sare u qaadida arimaha dibada Mareykanka ayaa sheegay in Kisimaayo tahay meesha madaxweyne Xasan lagu eegi-doono sida u xaliyo, waxuuna hoosta ka xariiqay in qabiilada degaamada Jubaland ku sugan aysan dooneyn dagaal sokeeye, balse ay jiraan calaamado muujinaaya in faragalin lagu hayo oo la rabo in la qaso, siyaasiga ayaa cabsi ka muujiyey in hogi ay ku wada shubmeen kuwi ka horeeyey u isagana ku dhaco waayo ayuu yiri waa nin ku cusub saaxda siyaasada waana u fududahay hadalada Qarxi ama xume .

Dhinaca kale masuullinta Kenya ayaa illa shalay laga soo xiganaayey warar ay ku oranayaan Xasan Shiikh Waxuu noqday Nin Reer dabada ka riixayaan oo caadifada qabiil aan sinaba oo u qarsaneyn, mana aha ayey yiraahdeen Nin yaqaan sida dunida loo kasbado loona macaamilo.