Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 16 July 2025

Xildhibaanadi DF Ee Horay U Gudoonsaday Iney Mooshin Ku Ridaan R/W Saacid Oo Ka Laabtay

Wednesday - May 22, 2013

Muqdisho: (RH)Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la laabtay mooshin ka dhan ahaa xukuumada oo dhawaan la horgeeyay guddoonka baarlamaanka, kaasoo la doonayay in uu awooda looga qaado.

Arrintan ayaa daba socota markii xildhibaanadii horey u soo gudbiyey mooshinka xukuumadda ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ay la laabteen.

Kulan maanta oo ay soo xaadireen 200  oo xildhibaan ayaa diiradda lagu saarayay mooshinka xukuumadda oo ay horrey u soo gudbiyeen 93 xildhibaan, waxaana mooshinka ka laabtay 55 mudane.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in 38-da xildhibaan ee haray aaney buuxin karin tirada xildhibaannada ee laga rabo inay mooshin soo gudbiyaan.

Guddoomiyaha Baarlamanka intaas kaddib goobta la sheegay in mooshinka la keenay baarlamaanka uusan ansax noqon karin maadama tiraa loo baahnaa aysan soo dhameestirmin.

Si kastaba ha ahaateen waxaa tan iyo markii baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyay mooshinka ka dhanka ah xukuumada, waxaa soo badanayay kulamada magaalada ka dhacayay iyadoo sidoo kale dibad baxyo arrimahaas looga soo horjeedo magaalada ay ka dhaceen shaley.