Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 16 July 2025

Laba Nin Oo Sida Xayawaanka U Halabsanaaya Oo Askari British Ah Ku Dox-dooxay Xaafada Woolwich

Thursday - May 23, 2013

British-Woolwich: Labo nin oo ku hubeysan mindi ayaa askari British ah ku dilay xaafadda Woolwich, oo ku taalla koonfurta-bari ee magaalada London.

Booliska durba waxa ay ku tilmaameen falkan in uu ahaa mid argagixiso ah, ra'iisal wasaaraha Britain David Cameron ayaa soo gaabiyay safar uu ku joogay dalka Faransiiska, waxaana lagu wadaa in maanta oo khamiis ah uu shir guddoomiyo kulan xasaasi ah.

Ra'iisal wasaaraha wuxuu sheegay in UK aysan marnama baqdin galin-karin kooxaha argagixisada wuxuuna sheegay in tallaabadan aysan cabsi ku keeni karin.

Warbaahinta UK ayaa soo bandhigay Labada nin oo midkood uu gacmaha dhiig ku leh kuna dhawaaqaya hadalo Islaami ah, Wuxuuna yiri " " Waan in aan la dagaalano sida ay noola dagaalamayaan. Isha ayey nagu hayaan waan ku haynaa annaguna, taas ayaa dhab ah."

Wuxuu intaas ku daray: " Waan ka raali galinayaa dumarka goobjooga u ahaa arrinta maanta, laakin dhulkeena waa dumarkeena si ay u arkaan dhibka lagu hayo. dalkiina ma badbaadi doonaan, dowladiisa ma idin xifdineyso."

Wax yaabaha la yaabka leh ee warbaahinta UK hadal hayaan waxa weeye iyadoo mid ka mid labada nin ee dilka geestay oo dadka ku lahaa war ha la iga duubo warkan dhowr daqiiqo ayuuna goobta dilka ku sugnaa isagoo wax cabsi ah aysan ka muuqan.

Booliska waxa ay xaqiijiyen in la xiray labada qof ee lala xiriirinaayo dalka, sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in mid ka mid ragga dilka geestay in uu u dhintay dhaawac soo gaaray.

Mid ka mid ah dableyda dilka geestay ayaa la sheegay in uu ka soo jeedo dalka Nigeria.

Xaafadda Woolwich, waxaa ku nool Soomaali badan, laakin wax dhib lama soo gaarin