Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 16 July 2025

Madaxweyne Obama Oo Sheegay In aanu Reer Galbeedku Dagaal Kula Jirin Musllimiinta

Friday - May 24, 2013

Washington: Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in aanay waddamada Reer galbeedku ku jirin dagaal ka dhan ah Islaamka, isla markaana aanu ogayn cadaawad ka dhan ah reer galbeedka oo Islaamku wadaan, sidaa awgeed waxa jira yahay dagaal lagula jiro ururka Al Qaacida.
 
Madaxweyne Obama oo ka hadlayay khudbadiisa todobaadlaha ah ee uu dadkiisa iyo dunidaba u jeediyo, ayaa tilmaamay in ay jiraan, aragtiyo rumaysan in dagaal midba midka kale ku hayaa u dhexeeyo Islaamka iyo Reer galbeedka laakiin aanay aragtidaasi ahayn mid xaqiiqo ah.
Madaxweyne Obama ayaa dagaalka lagula jiro waxa uu ugu yeeray argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida iyo xulafadeeda xusay in Maraykanku naf iyo maal badan ku bixiyay, waxaanu tilmaamay in lacag ka badan Tiriliyon ama kumanaan Bilyan ay kaga baxday, halka uu sheegay in ilaa todoba kun oo qof Maraykanku ku waayay dagaaladaas.
 
Obama ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee wakhtiyadii ugu danbeeyay dalkiisu u adeegsanayay, la dagaalanka kooxaha washington ugu yeero argagixisada caalamiga ah, waxaanu ku dooday in guulo muhiim ah ay soo hooyeen, wallow uu qiray in ay jiraan, hawl galo dhicisoobay iyo kuwo dad rayid ah lagu wax yeeleeyay.
Madaxweynaha dalka Maraykanku waxa uu ceeb iyo bar madow ku tilmaamay xabsiga Guantanamo Bay, kaas oo uu sheegay in Maraykanka, sanadkii ay kaga baxdo lacag dhan boqol iyo konton milyan oo dollar, taas oo u dhiganta marka loo eego tirada maxaabiista ku xiran oo 166-Qof ah, ku dhawaad in qofkiiba hal milyan oo dollar sanadkii lagu kharash gareeyo.
Obama kamuu hadal in uu xabsigaa xiraayo, laakiin waxa uu u muuqday mid sidaa jecel oo kongorayska dalkaasi ka hor taagan yihiin, waxa kale oo uu ugu danbayntii ka hadlay shuruudaha Kongorayska dalkaasi ku xiray, nidaamka dib habaynta dhaqaalaha iyo caymiska caafimaadka dadka saboolka ah.