Leadership-ka Jubaland Oo Soo Saaray Go'aano Cusub
Saturday - May 25, 2013
Jubaland- Kismaayo: Warar xogogaal ah oo ka soo waramaya gudaha xarunta caasimada ku meel gaarka ee magalada Kisimaayo isla markaana ka agdhow golaha hogaanka sare Jubaland ee halkaas dhawaanta ka dhismay ayaa shaaca ka qaaday in illa shalay iyo illa waqti dambe oo xalay ahayd iyo xarunta maamulka Jubaland uu ka socday shirar tashi aan loo kala kacin oo lagu falaanqeynaayey xaaladaha cusub ee carigaa Jubaland ka oogantay.
Shirkaas majliska oo u gudoominaayey madaxweyne Axmed Madoobe waxaa lagu kala qaatay warbixino iyo xogo kala duwan oo laga soo kala aruuriyey gudaha somaliya iyo dalka dibadiisaba , isla markaa madaxda maamulka ayaa warbixinadooda isku tusaaleeyey in caqli saliimka u tilmaamaayo, in ummad waliba xaq u leedahay ka talinta masiirkeeda, oo haddi aan nahy ayey yiraahdeen bulshada reer Jubaland faraxad bey noo tahay guusha ay reer jubaland ay gaareen iyo haraadkii loo qabay maamul sameysma oo hirgalay, iyadoo la wadaagayo guud ahaan calan somaaliyeed iyo maamul fedarali ah oo ka dhaxeeya.
Golaha taliska madaxtooyada isagoo tixgaliyey ahmiyada weyn ee ay maamulka u leeyihiin horumarka iyo dhismaha Maamulka Jubaland, iyo markay arkeen in baahi loo qabo ka hortaga isbahaysiga jubaland -diidka iyo sida bulshada guusheeda ay u neceb-yihiin, isla markaa gudoonkaas u ka fiirsaday qaska, buuqa iyo wax yeeleynta ay ka wadaan dawlada Xasan Shiikh gudaha kisimaayo, iyadoo isla markaa maamulku ku qancay iney hanan-karan xilka loo magacaabay,waxay talo ku meel gaareen inaan la cataabin balse la miciyo adeego oo wixii sharci lagu heli-waayey shanta lagu helo, sidaa daraadeedna la qaado talaabooyin digtoon oo ah sida soo socda:
1- Mar haddi dawlada Xasan Shiikh, gar-diid noqotay daacad xumo awgeedna xaqiiqadi dafirtay, hadal iyo wax sheegna deeqayn iyo iyagoon wax misaamin qaatay Mooye loo tumay, sidaa darteed go'aanku noqday iga durug mooye aan dib dambe dab loo kala qaadan iyo aayaha jubaland cid aan maamulka la doortay ahayn ka arimin, iyadoo wixii wada hadal amase gar qaad ah ee labada dhinac ay ku dhex mari-karaan oo qura goob iyo dal dhex-dhexaad ah, isla markaana usan maamulka ogolaan in loo booli-xoofteeyo,
2- Kooxda dharaq-leeyaasha ee macaan jecel iyoTirada Darsanka ee doolarka ka soo qaatay mogdisho, oo kula kacaya waxyaabo aan laaiiq ku ahayn maamulka jira, colaadana ka baafinaaya gudaha kisimaayo oo markhaati iyo maragyo beenaale u noqday DF in magaalada kabo la'aan looga saaro.
3- In si Deg Deg ah Iyo Qorshe cilmiyeysan laga hirgaliyo Amaanka Guud ahaan Jubaland iyo gaar ahaan Xarunta maamlka Jubaland ee kisimaayo.
4- In si dhaqso ah loo dhameystiro wasaaradihi iyo hay'adihi maamulka jubaland, gaar ahaan in la dadajiyo xeerkii iyo awoodi maxkamadaha maamul goboleedka.
5- In si dhaqso ah diirada loo saaro barnaamij olole siyaasadeed oo lagu hirgalinaayo kicinta dadweynaha reer jubaland oo lagu jiheynaayo xuriyada curatay iyo kacdoonka hilaacay sidi loogu ordi-lahaa amase looga gaban iyo in si wada jir wax loo wada qabsado xag nabadgalyo, siyaaso iyo horumarba.