Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Oo Dhaliilay Ciidamada Nabad-ilaalinta Ee Kenya

Monday - May 27, 2013

Addis Ababa (RH) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliilay ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo, ka dib markii ay diideen inay sugaan ammaanka xubno ka socday golaha xukuumadda ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay shir-madaxeedka Midawga Afrika ee maanta ku soo dhammaaday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Annagu dhinacayga ma jirto wax cabasha ah oo aanu ka qabno Kenya, laakin qayb ka mid ah ciidamada xubinta ka ah AMISOM ayaa si khaldan u dhaqmay waxaanay hareer-mareen hawshii loo igmaday.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Inkasta oo uu madaxweynaha Soomaaliya ka xumaaday diidmada ay ciidamada Kenya diideen inay sugaan ammanka wafdiga Xukuumadda, hadana waxa uu madaxweynuhu sheegay in dawladdiisu ay haysato taageerda wadamada gobolka oo ku taageersan dawladda sidii ay u hanan lahayd maamulka dalka una soo celin lahayd nidaamka iyo kala dambaynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay taageerda farsamo ee uu urur goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay dawladda Kenya ay ka gaysanayaan dib u dhiska Soomaaliya.

“IGAD waxay si cad u sheegeen doorkooda oo ah taageerda dawladda Soomaaliya, anaguna aad ayaan ugu faraxsannahay mawqifka IGAD.” ayuu yiri madaxweynuhu.

Ururka IGAD ayaa doonaya in ay dawladda Federaalka ah ee Somalia ka caawiyaan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan gobolada Jubbooyinka, kadib markii qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolada Jubbooyinku ay si madax bannaan u doorteen Axmed Madoobe inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland, arrintaasi oo ay dawladda federalaaka ah ay ku gacanseeray

“Waxaa jirta koox Kismaayo  joogta oo iskood go’aan u gaaray, dabcan waa dad Soomaali ah,  wayna yeelan karaan aragti u gooni ah, laakin hal arrin ayaa maanta Soomaaliya muhiim u ah, taasi oo ah in ay jirto dawlad Federaal ah oo ay dadka soomaalida ah oo dhani leeyihiin.” ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in garabyada ku shiray Kismaayo ay helayan baaq iyo gacan haadis, isla markaana si khaldan loogu sawiray inay kaligood ay maamul iyo dawlad goboleed u samaysan karaan.

Madaxweynaha ayaa  intaasi raaciyay in xukuumaddisu ay leedahay qorshe cad oo ku aaddan dib u dhiska waddanka iyada oo la samaynayo maamulo Kumeel gaar ah, si jidka loogu sii xaaro qaranimo buuxda.

Waxaana ugu dambayntii uu ku daray in baahida ugu horaysa ee u muhiimsan dalku inay tahay  nabadgaliyada, iyada oo ay wali jiraan dhul ay maamulaan al Shabaab.

Dhinaca kale, saraakiisha ciidanka Kenya ayaa arrintaas ka jawaabay, Afhayeenka Ciidamada Kenya Bogeta Ongeri ayaa beeniyey in ciidankooda Kismaayo ay si aan qummanayn u dhaqmeen.