Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Ciidamadi Seara leone Ee Ku Wajahnaa Degmada Bu'aale Oo La Yiri Ka Noqda Iyo General Fartaag Oo ..

Wednesday - May 29, 2013

Kisimaayo: Warar laga soo xigtay maamulka Jubaland iyo xarunta Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Seara Leone oo ku Socda Magaca AMISOM ee ku wajahnaa Degmada Bu'aale ee Gobolka J/dhexe dib loo dhigay inay halkaas gaaraan

Ciidamadaan oo sida qorshaha ahaa la hoos geeyey taliska Ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyinka ayaa amar lagu siiyey inaysan dhaafi karin goobta ay hadda ku sugan yihiin ee ah xuduuda Kenya iyo Somaliya, waxaana amarkaan sababtiisa lagu macneeyey xarig jiidka u bilowday Dowladda Somaliya iyo Kenya oo meel xun maraya.

Waxaa kalo wararku intaas ku darayaan in aanan dhul dambe aysan xorayn doonin ciidamada Kenya iyo Ethiopia ilaa iyo inta laga xalinayo khilaafka ba'an ee dhawaan soo kala dhexgalay Dowlada Federaalka Somaliya iyo Dowladda Kenya iyo Itoobiya , dhinaca kale oo khilaafka labada dawladood si murageeysey waa maalintii sadexaad oo saraakiil sare oo ka socota Dowladda Federaalku ay ku xayiran yihin Airpor-ka Magaalada Kismaayo, iyadoo la ogyahay in Madaxweyne Xigeenka Jubbaland State Gen C/laahi Sh Ismaaciil Fartaag uu kal hore sheegay in ragani ay yihiin fidnawlayaal doonaya iney dagaal sokeeye ka abuuraan Kismaayo

Dhinaca kale iyo wararka ka soo baxaya xafiiska madaxtooyada Jubaland ayaa tilmaamaya in Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Gobolleedka JubbaLand Gen C/laahi Sh Ismaaciil Fartaag ayaa la filaya inuu dhawaan socdaal ku aado Gobolka Gedo, iyadoo ay la socdaan Dhamaan xubnaha Maamulka Jubbaland ee ka soo jeeda  Gobolka Gedo

Madaxweyne Xigeenka Jubbaland State of Somalia Gen C/laahi Sh Ismaaciil ayaa laf ahaantiisa ka soo jeeda gobolka Gedo, waxaana ay warar lagu kalsoonaan karo oo si aad ah ugu dhaw-dhaw Madaxweyne xigeenka sheegayaan in xubno sare oo ka socda IGAD, Saraakiil Sare oo ka tirsan Dowladdaha deriska iyo Taageerayaasha Jubbaland State ay dhawaan u soo ambabixi doonaan Gobolka Gedo, si loo gaarsiiyo maamulka Jubbaland State of Somalia, loona habeeyo maamulka gobolka oo ay dowladda Muqdisho faraha kula jirto.

Warkaan oo si guud looga soo xigtay shabakada Gedoweb ayaa sheegtay in socdaalkaan lagu timaamay mid lagu dhisi doono maamulka deegaanka Gedo ee Dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana uu noqon doono mid lagala tashado dadka deegaanka Odayo dhaqameedyada, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo dadka caqliga u saaxiibka ah ee ku haray gobolka Gedo.