Looyar Xoosh Oo Sidi Qaali-Huurshe Markaana La Soo Baxay Qodobkii Ahaa " La Jiifiyaanaa Banaan"
Thursday - May 30, 2013
Kisimaayo: Waxaa ka soo wareegtay muddo gaaban markii C/Raxmaan Xoosh isagoo waliba oohinta yaxaaska sidiisi ilmada uga da'yso ka dhawaajiyey in maamulka ka dhismay Jubaland u yahay mid ku xad gudban dastuurka Qaranka u yaala, balse waa in ayuu yiri maamulkaas girgirka seefta laba galeyda ah lagu xaabiya, taaso bulshada abtirsin-yihiisa gudo iyo dibad, gar-madoobayaa-shooda iyo guud cirrooli ay intaba aad iyo aad uga xumaadeen sida qadari-laanta, ka fiirsasho la'aanta, Ra'yi qaadasho la'aan uu isla soo taagay sharaxaad u ku tabceynaayo Jubaland , kaas oo run ahaanti si toosa bulsho badan ugu dhex eedoobay, siyaasadiisi mustaqbal ahaana is dabray oo bilaa faataxo iilka is dhigay .. waxaana wax laga xumaada ah in eedeyntaas iyadoo sidi gantaal ganan u gudubtay bulshada caalamka, oo si gaara uga faaiideysteen cadawgii birta u aslaayey maamulka Jubaland, iyagoo waa reer jubalande aysan jirin wax dambi ah oo ay galeen.
Dhiirane Looyar C/raxmaan Xoosh warkiisi iyo sidu wax u xardhay la maqal, oo maalmahaan iyo intu joogay Kisimaayo u ahayd maalmo culeys badani ka saarnaa is jiid jiidka dhinacyada is haya iyo xariga ay qolaba gees ka gunaday, balse waxa ay ahayd jawaabtu inu ka baxsho sawir guud ee dhabta ah arimaha ku gaadaaman maamulka Jubaland ee ma ahayn jawaabtu waxa afka la isu galinaayo amase lays ku waasteynaayo, sideedana Reerka u ka soo jeedo Xoosh waa ummad ilaahay ka kor yeelay gardaro, waa makhluuq xaq la aaso neceb .. Reerku waa ummad aad u samir badan oo dulqaad-kooda iyo garsha-dooda aad u weyntahay, nabad jecel oo aan ku deg degin colaad iyo Qas dhibaato ka dhalato,
Dhankasto oo laga eego looyar Xoosh ma aha Qalin duure iyo Nin cilmi Qaaxo sita, ma ahayn oday lagu yiqiin ama la mida kuwa Reerka ka dhiloobay, waxaa lagu yiqiin shakhsi aqoon iyo wax garasho ku shaqeeya, ku darsaday geesinimo oo aan ibriiq ku aadamin, ilaah mooye nina kama baqo ninkaasi .. waxaa horay loogu yiqiin Nin aqoontiisa ay gaarsiisay inu dibnihiisa baro difaaca xaqa iyo u hiilinta dadka dulman, waxuu ahaa Buur dabeyl aysan ruxin .. looyar Xoosh xaajada iyo garta laguma aqoon sidi geel jire nin geedka ka booda, waxaa iminka la soo dhaweeyey in maalmahaan dambe Xoosh dib maskaxdiisi u rogrogay, oo u gartay inusan Gob ku noqoneyn Qof kale gunimadiisa, dabadeedna ka sharqamiyey inu fikirkiisi hore aan xaqiiqada ku fadhin ee meel iskaga beyrka ahaa wax iska badaleen .. Hambalyo, Hambalyo
Arinta si kastaba ha ahaate, waxaa soo dhamaaday beenti iyo xurgufihi jubaland la kala tirsanaayey waxaa hadalka ku soo koobeynaa in wax kasta oo ummada hor yimaada indha fiyow lagu eego oo gaar ahaan dastuurka dalka lagu xukumin kolba sidi la rabo iyo maalmo xukunka ku sii jireysa .. Dastuur aan dhameystirneyn oo aan la hayn lifaaqyo sharci waa khasab in Qofkasta sidi Quraan dhurwaaga siyaabo kala uu micneeyo oo markasta arin murugsan timaado la yiraahdo markaana sheekadu waa La jiifiyaanaa banaan,