Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Dusha Hargeysa Oo Siigo Yaab Leh Samada Qarisay Iyo Weeso-Qaadka Salaada Oo Badatay

Wednesday - May 29, 2013

Hargeysa: Dusha sare ee magaalada  hargeysa ayaa maanta isku bedeshay siigo iyadoo gabi ahaanba la waayay muuqaalkii samada ama daruuraha.
Waa markii ugu horeysa ee gayiga soomaaliyeed lagu arko calaamaddan oo kale, fariintan xagga ilaahay ka timid waxay dadka waxgaradka ahi ku macnaynayaan dulmigii iyo dambigii hargeysa oo cirka gaaray.

Reer hargeysa maanta waxay dareemeen cabsi wayn wayso-qaadka salaada ayaa boqolkiiba boqol noqday, waxa maanta waysaystay qaar aan waligood kubkooda biyo marinin, waxa masaajidada yimid qaar aan xitaa roobkana ka gali jirin.