Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Khilaaf Ka Dhex Abuurmay Looyar Xoosh Iyo Wasiiradi Qaarkood Ee Laga Soo Daba Diray

Saturday - June 1, 2013

Mogadisho: Wafdiga tirada badan ee dowlada Federaalka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in khilaaf uu soo kala dhex gallay kadib markii ay isu raaci waayeen, isku aragtina ka noqon waayeen qaabka ay wadahadalka ula furayaan Maamulka Jubaland iyo waxa ay tahay howlaha loo soo igmaday.

Wasiiro dhowrah iyo xildhibaan looyar Xoosh Jibriil ayaa la sheegay in ay si cad u muujiyeen in aysan ku raacsaneyn  Wasiirada uu sida gaarka ah u soo wakiishay Madaxweyne Xasan Sheekh ila markaana laga soo daba diray.

Waqti aad u badan uu wafdiga ka qaatay in ay isla indha indheeyaan warbixin uu Xilidhibaan Xoosh soo hordhigay wafdiga, warbixintaas oo uu sheegay iney ragii horey u joogay magaalada Kismaayo ka soo uruuriyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada, hasa yeeshee wafdigii cusubaa ee wasiirada  dhawaanta soo gaaray ayaa ka biya-diiday in ay raacan oo qaataan warbixintaas u xoosh la yimi.